Baro Naftaada ""وفى أنفسكم أفال تبصرون" War Nafsadiina Soo uma jeedaan. Qeybtii 8-daad


 Waxyaabaha noloshu ina bartay oo loo baahanyahay inaan cibro ka qaadanno, waxaa ka mid ah arritaan. Marka dhib iyo caro ay qooska soo kala dhexgasho, oo ninka iyo xaaskiisu is gafaan, intabadan gacanta sare waxaa leh ninka. Haweentu inta badan waxay xal ka dhigtaa inay iska tagto oo ay carooto. Haddii ay cunug yar nuujinaysay, midna way qaadataa cunugga midna way ka tagtaa. Xaaladdooda nafsadeed ayaa kala duwan. Soomaalidu waxay arrintaas ka dhigtay imtixaan, haweenka lagu imtixaano, oo lagu kala ogaado, naagta fiican iyo middda xun. Waxay maahmaah ka dhigeen: “Naagtii cunugeeda qaadata, waa lasoo celiyaa. Maxaa yeelay rajo ayay leedahay. Naagtii cunugeeda ka tagta, hasoo celin rajo malahee” Arrimaha noocaas oo kale ah, ee bina‟aadamka ku saabsan waa xaalad nafsadeed. Waa xaalad wax laga badali karo. Waa xaalad, waxna lagu dari karo waxna laga dhimi karo. Laakiin hadda waxaan rabnaa inaan fahamno oo ogaanno, xaaladda nafsadeed ee laga hadlayo waxa ay tahay iyo sida ay u shaqayso, iyo meesha ay adiga kaasoogalayso ama ay xiriirka kaala-leedahay. Wax kasta oo aad qabanayso waxay u baahantahay in nafsadda loo diyaariyo. Haddii aad nafsadda dhimasho u diyaariso way aqbalaysaa. Haddii aad khayr iyo najax u diyaariso way aqbalaysaa. Wax kasta oo aad u baahantahay waa inaad nafsaddeeda haysato. Rususha Alle soo diro waxyiga iyo mas‟uuliyadda ayaa marka hore loo diyaariyaa. Markii hore ee Alle nafsaddooda abuuray ayuu ka dhigay nafsad xoog leh oo mas‟uuliyad qaadi karta. Haddana markii wakhtigii soo dhawaado nafsaddooda ayaa la diyaariyaa. Nabi Muuse afartan casho ayaa lagu amray inuu buurtii „Duurasiinaa‟ ku cibaadaysto. Nabi Mohammad, Nabad iyo naxariis, korkiisa ha ahaatee, Muddo ayuu buurtii „Qaaru-xiraa‟ ku cibaadaysanayay intaan waxyiga lagu soo dajin. Mas‟uuliyadda culus iyo hawlaha waaweyn in lagu najaxo, waxay u baahantahay in nafsadda loo diyaariyo. Haddaba, wax yaabaha aad jeceshahay ee aad u baahantahay inaad ku najaxdo, sida ganacsiga iyo lacag samaynta, hoggaaminta dad iyo dal, xallinta mushkilaadka waaweyn, waxaas oo dhan waxay u baahantahay in nafsadda loo diyaariyo. Markasta oo aad rabto inaad hawl wax tar leh ku najaxdo, waxaa lagama maarmaan ah inaad nafsadda u diyaariso. Ma ogtahay in Alle abuuray nafsaddada oo dhamaystiran. Dhamaystiran waxaan ula jeedaa aan waxba ka maqnayn.                                      

Ruuxdeedii iyo xiriirkii Alle way wadataa. Awooddii abuuridda dhexdeeda ayay ku jirtaa. Meeshii ay katimid ruuxdu oo xagga Alle ahayd ayay markasta u heloobaysaa. Daawadii iyo dhakhtarkii dhexdeeda ayay ku wadataa. Haddii aad dhaawacanto markaba gurmad jirka dhexdiisa ka yimid oo diyaar ahaa ayaa imanaya oo haddiiba meeshii dhaawacantay kabaya. Waxaa nafsaddeena dhexdeeda ku sugan wax kasta oo jira. Haddii iimaankaasi jiro, oo si run ah u jiro, mushkiladda aadanaha oo dhan way dhammaan lahayd. Wax alle waxa dhib ah innaga ayaa keensanay. Waxa alla waxa wanaag iyo khayr ahna Alle ayaa ina siiyay. Sidaas weeye runtu.

Lasoco qaybta 8-(daad Dhawaan ) 

F.G Waxa aan Kasoo Xiganay   Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.


W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI




Comments