Sanadkii Tegay iyo somalida South afrika


 

Sanadba sanadka ka danbeeyo waxaa sii kordho dhibaatooyinka iskugu jira dilka, dhaca Boob-ka, gubista iyo jirdilka, lagula kaco jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool koonfur afrika sadan-kii Tegay ee 2022-dii waxa uu ahaa sanadkale oo murugadiisa wato oo ay dad badan oo isku jira ehelo asxbta iyo qoys badan ay koonfur Africa ku waayeen dad qiimo aktooda kalahaa kuwaas oo aan ilaa iyo hada aan helin cadaalad inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah iskugu howsha diiwaan gelinta falal denbiyeed Yada ka dhaca koonfur Africa hadaneh xasuusaha aynu diiwaan gelinay ayaa muujinaayo in sanadkii Tegay 2022 ay jirtay hoos u dhac ku yimid marka loo fiiriyo sanadkii  ka horeey ee 2021-dii oo ahaa sanad ka falal denbiyeed badnaa sanadkii dhamaaday 2022-kii.
Xog aruurino lasameeyay ayaa muujinaayo in gobalka dhaca galbeedka koonfur Africa western cape uu yahay  gobolka ugu badan oo had jeer wax yeelada loogu gaysato dadka somaliyeed ee ku nool koonfur afrika waxaana la aaminsanyany in uu yahy gobolka ugu badan koonfur Africa ay ku noolyihiin somalida ugu badan ee ku nool koonfur afrika.

Bishii jun-- ee sanadkii tegay waxa ay kamid ehayd xasuusaha aan Marneh maan ka suulin kidib markii 5-habeen oo isku xigta 5 dhalin yaro somaaliyeed ah oo lagu kala magacaabi jiray. 
1-Yaasiin Cumar mataan
2-Yuusuf Jowhar Yuukeey,
3-max, ed xasan ali blakii
4-C/rashiid Axmed Sheekh Maxamuud iyo 
5- Mowliid Yare
Si bereer ah loogu Toogtay ilaa iyo sedax tuulo oo ka tirsan magaalada Cape Town ee wadankaani koonfur halkaas oo ay ku lahaayeen goobo ganacsi marka laga reebo Maxamed blkii oo ahaa ruux si wayn looga yaqiin magaalada Cape Town kaas oo xiligii burcada ay weerareysay gaari rooti ku kexaynaayay.
Isla sanadkii tegay ee 2022 sheekooyin murugada lahaa ee la diiwaan geliyay waxaa kamid ah 5-tii bishii October xili habeen ah ayaa goobtooda ganacsiga lagu dilay laguneh gubay aadan Abdi Saneey iyo Abdi Mohamed Aadan oo ahaa muwaadiniintaan somaliyeed oo goob ganacsi ku lahaa tuulada Ndevana Town ee hoos tagta magaalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape Isla maalmo un ka kidib ayaa Isla gobolka eastern Cape waxaa ka dhacay dilka ilaa 3- kale dhalinyaro soomaaliyeed ah kuwaas oo dilkooda loo adeegsatay hub-ka qarsan ee bursoolada xili ay ku guda jireen howlodooda ganacsi.

Isku soo wada doobee dadka somaliyeed ee ku nool koonfur afrika oo u badan dhalinyaro muruq maal oo intooda badan ku nool goobaha tuulooyinka isku raranka ah ee ka baxsan magaalooyinka ayaa sanadba sanadka ka danbeeyo qaar badan oo kamid ku waayo naftooda, malkooda halka kuwo kale dhaawaca ay u gaysataan burcadda ku waayay xubno muhiim u ah dhaq dhaqaaqa aadaneh. Halka qaarkoodba loosheegay in cimrigooda ay ku dhamaysanayaan dusha sare ee Wiljer hadba dhinac loogu jiidaayo waxaasa layaab leh in aysan jirin degniin, foojignaan, xeelad lagu yareeyn karo dhibaatada halkaan ka jirta. Waxaansa jiran garantiinyo lagu gaari karo sanadka xiga bad-qab marka laga soo tago waqtiga.


W/D:-- Nuur macalin muuse nuur inji 



Comments