Wadada aan Marnay waxa ay ehayd wado silic badan Waxa lagu dhibaateeyaa Dadka dalxiis-ka u socdo kaari kasto oo soo Maro lacag baad ah ayaa laga Qaadaa Wiliba si xoog ah qoriga asaga oo amaan-kiisa Furanyahy ayaa laguugu soo aadinayaa inta badan Raga qoryaha Wato ma wadataan dres-ciidan Taas oo ka dhigan in ay yihiin Toogo usoo shaqo Tegay in ay dadka dhacaan inka badan 9-meel oo ay joogaan rag qoryo leh ayaan marnay meelkasto wax aan ku dhiibnay lacag anaga oo u baqeyno Naftayna waayo Kama jiro Talis loo dacwoodo halkaan Maadaama ay tahy Goob ka baxsan magaalada kaliya waxa aad ku qasban-tahy in aad jeeb-kaaga isku furato si aad u sii wadato safarkaaga dalxiis-ka. --
Waxa ay ehayd Jimcihii lasoo Dhaafay aniga iyo asxb kale oo qaarkood qurbaha ka yimid aaan dalxiis- u aadnay deegaan-ka jaziira bal si aan ugu soo dalxiisno Baacad-kii nimow, beerihii cusbada, bada Jaziira, iyo badii abay dhaxan-- Markii aan ka Dhaqaadnay Suuqa Weyn ee Medina waxa aan cagta saarnay wadada Jaziira Markii aan ku Dhownahay agagaar-ka Hotel medina Beach Halka loo yaqaan jag-pontiga xala-ne waa Barta bilow-ga hupinta Gaadiid-ka Waana Barta bilowga Dhaca dadka inkastoo ay Yara waydiis shaxaatan u ek si cod jilcan ah noola hadleen inyar oo aan ku niyad sameyn ayaan siinay Ragii jogay jag-pontiga xala-ne yaabsa wuu danbeeyaa xaladu Dib ayay iska bedeshay markii aan Yara Dhaafnay Ragaan na shaxaaday inta aanan Gaarin xirada Turki-ga waxa aan istaagnay Goob u Muuqatay baaris balse ehayd Goob dadka lagu dhaco nin watay qori Ak47 ah oo na istaajiyay ayaa nagu yiri u Taga ninkaaas aniga ayaa u baxay dhankiisa nin Fadhiyay korsi oo ay logaha isku saaranyhiin dhinac wijigiisa ahneh dhaawac hore ka muuqday (malaha u ekaa xariif soo Jabay) Qof ahaan Waxa uu u Muuqday Qof aan jaxan Jax lehayn hadaladiisa Waxa ay ahaayeen kuwo adag Dhowr Mar aan u Yara Jaakiray oo aan rabay in aan Af-somali ku Gudbo wuu iga diiday asaga oo wiliba iigu xanaaqsan sida qof den igu leh cay iyo isxanaajis markii uu Galay uu nagu yiri Gaariga halkaa dhiga ayaan u Tuurnay lacag bal si aan safarkayna u sii wadato wili waxa aan nahay aqbaar Moog oo waxa ay Nala ehayd in xaladu cadi tahy intaan kidib yaabsa waxa uu nagu dhacay markii 7-meel oo kale aan Marnay oo Rag ku libisan Macawiisyo oo wata qoray Ak47 ah keeb-kaneh Farta ku haayo si is xig xigtaneh u joogo wada ay Gawaarida dalxiis-ka u socda iyo kuwa Guriyohooda u socdaba qofkiiba Gaari wato oo kusii Jeeda jaziira ka qaadaayo lacag baad ah waxaa layaab lahaa Dhamaan Raggii aan soo araknay ee isbaarooyinka u yaaleen waa isku qab Marka la fiiriyo is-xanaajis-ka indho shidashada, qori Taag Taaga, iyo is walka beenta ah Marbaan is iri malaha waxa jira school lagu Barto Moor-yaanimada waayo isku mid ayay u dhaqmayaan!!
Waxa aad iiga sii yaabiyay Markii aan soo Marnay Dhamaan 8-qeybood oo wada ahaa ayaa markii aan soo istaagnay xeebta jaziira oo aan gaariga bakin dhigay mid qoray lasoo booday oo yiri lacagta bakin-ka Keena oo anaga kudhahnay hadaneh ma xeebta ayaa bakin lacag laysaga qaadaa muran dheer kidib lacag ayaan siinay anaga oo yaaban ayaana jaziira kasoo naqatay xili habeen ah waxa naloo sheegay in aan meesha lagu daahi Karin sabab la xariirta burcad halkaan habeen-kii gawaarida jidka u gasho markaas ayaan si Haleel ah maqrib ahaan ugu soo laabanay aansa ku waydiiyee halkaa ma jaziira misa jaxiima.?
jawaabtasu,aashaan cidii jidkaa martay unbaa garan og!!!!!!!
F.G wili maku safartay wadadaan adiga oo gaari wato ama xitaa bajaaj waan hubaa in aad ka mid tahy dadka lacaga baada ah laga qaatay!!!!!¡!!
Abdinaasir kaniini iyo max,uud bayle oo south Africa kasoo guriyo naqday iyo Ustaad Cabdullahi Cali (ustaad casayr) oo gaariga nagu waday suura-gelinta safarkayna dalxiis-kaneh lahaa ayaan ka koobnayn umasa xiisi-doono dalxiis-ka jaziira inta ay joogaan moryaanta aan soo araknay mar haddii anaga oo nabad qabno illahay nasama keenay alle ayaa Mahad leh.
W/Q Nuur macalin muse ( Nuur Inji)
Comments
Post a Comment