Baro Naftaada ""وفى أنفسكم أفال تبصرون" War Nafsadiina Soo uma jeedaan. Qeybtii 6-baad

Soomaalidu Waxay ku maahmaahdaa, ninkii Saacad kaa Horeeya Maalin Magaartid. Ninkii Maalin kaa Horeeyana Bil ma Gaartid. Ninkii bil kaa horeeyana Sannad ma Gaartid. Ninkii kaa Xaas (Xilaha) fiicanna waligaa ma gaartid. Naagtaas wanaagsan, Waxa loo jeedo oo la ammaanayo, Waa nafsaddeeda. Sidoo kale, tilmaamaha Guud ee aan dadka ka bixinno, Waxay tix raacayaan, xaaladda nafsadda ee qofkaas. Waxaan niraahnaa, qofkaasi waa bakhayl, waa deeqsi, waa geesi, waa fulay, tilmaamahaas oo dhan waxay tixraacayaan xaalad nafsadeed oo Markaas jirta. Haddii aan sidaas u ogaano, aanan rabno inaan noqono dad fiican, oo qof walba ka mahad sheegto, qof baarri ah oo waalidki ixtiraama, qof aan fulay ahayn, qof deeqsi ah oo wax bixiya, haddii aan tilmaamahaas danaynayno oo aan jeclaan lahayn inaan noqono dhinaca wanaagsan ee tilmaamaha, waa inaan si fiican oo ula kac ah u daraasayno culuumta buuggaan ku qoran. Waa mid na qusaysa oo aan u baahannahay. Xaaladda nafsadda ee bani‟aadamku way ka xeel dheertahay in la wada fahmo ama la wada barto. Wax kasta oo laga oogaaday ama laga qoray waa wax yar oo caad yaal ah. Sirta dhabta ah ee nafsadda aadanaha Alle kaliya ayaa garanaya. Marka aan nafsadda aadanaha ka hadalayno, dhinaceeda wanaagsan waxaan Isticmaalaynaa Ruuxda. Marka aan ka hadlayno dhinaceeda liitana waxaan isticmaalaynaa Nafsadda. Laakiin waa la isla qaadankaraa labada dhinacba. ّالقلٌال" "وٌسئلونك عن الرّوح, قل الرّوح من أمرربّى وماأوتبت من العلم ا (Waxay ku su‟aalayaan ruuxda, waxaad ku tiraahdaa taasi cilmigeeda rabbi ayaa og, cilmigana waxa laydinka siiyay in yar) Nafsadda insaanku way kala duwantahay. Way kala adagtahay. Way kala xoog-badantahay. Way kala jilicsan tahay. Way kala khayr badan tahay,way kala shar badan tahay. Marka hore ee Alle abuuray ayay kala duwantahay. Sirta kala duwanaantaasna Alle kaliya ayaa og. Taasi waa asalka hore, ee awoodda Alle iyo cilmigiisa ku saabsan. Haddana nafsaddu marna way caafimaad qabtaa marna way jirantahay. Mar way xoogowdaa marna way daciiftaa. Mowduucaan Waxaad ka baranaysaa oo aad ogaanaysaa nafsadda caafimaadka qabta iyo nafsadda jirran siday kala yihiin. Waxaad ogaanaysaa nafsadda wanaagsan iyo midda xun waxa loola jeedo. Waxaad ogaanaysaa sababta midna u fiicantahay midna u xuntahay. Waxaad kale oo awood u helaysaa qaabkii iyo farsamadii aad nafsaddaada kor ugu qaadi lahayd, iyo qaabkii aad u daawayn lahayd. Marar badan waxaa inagu dhaca cuduro aan Alle mooyee cidna inaka caawin karin oo xagga nafsadda ah, meel aan la aadnana aynaan garanayn. Carruurta ayay cudurradaasi inooga dhacaan. Dhakhtar ina caawin kara iyo daawo aan isticmaali karnana ma garanayno. Maxaad yeelaysaa? Wiilkaagii curadka ahaa oo aad jeclayd, oo aad wax soo bartay, oo wax weyn ka rajaynaysay ayaa daroogo iyo qaad kaa bartay. Maxaad yeelaysaa? Sidee u daawaynaysaa? Sidee himmaddiisa kor ugu soo qaadi kartaa? Buuggaan ayaa kuu sheegaya arrimahaas xalkooda. Waana xaalad nafsi ah, oo uu markaas wiilkaagu kusugan yahay. Waxay u baahantahay in xaaladdaas nafsiga ah la badalo. Sidii loo baddali lahaa iyo wixii lagu baddali lahaa halkaan ayaad ka heli doontaa Alle idamki. Waxyaabaha noloshu ina bartay oo loo baahanyahay inaan cibro ka qaadanno, waxaa ka mid ah arritaan. Marka dhib iyo caro ay qooska soo kala dhexgasho, oo ninka iyo xaaskiisu is gafaan, intabadan gacanta sare waxaa leh ninka. Haweentu inta badan waxay xal ka dhigtaa inay iska tagto oo ay carooto. Haddii ay cunug yar nuujinaysay, midna way qaadataa cunugga midna way ka tagtaa. Xaaladdooda nafsadeed ayaa kala duwan. Soomaalidu waxay arrintaas ka dhigtay imtixaan, haweenka lagu imtixaano, oo lagu kala ogaado, naagta fiican iyo middda xun. Waxay maahmaah ka dhigeen: “Naagtii cunugeeda qaadata, waa lasoo celiyaa. Maxaa yeelay rajo ayay leedahay. Naagtii cunugeeda ka tagta, hasoo celin rajo malahee” Arrimaha noocaas oo kale ah, ee bina‟aadamka ku saabsan waa xaalad nafsadeed. Waa xaalad wax laga badali karo. Waa xaalad, waxna lagu dari karo waxna laga dhimi karo. Laakiin hadda waxaan rabnaa inaan fahamno oo ogaanno, xaaladda nafsadeed ee laga hadlayo waxa ay tahay iyo sida ay u shaqayso, iyo meesha ay adiga kaasoogalayso ama ay xiriirka kaala-leedahay....

Lasoco qaybta 7-(baad Dhawaan ) 

F.G Waxa aan Kasoo Xiganay   Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.


W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI


Comments