![]() |
| Sawirada Qaar-kamid ah dadkii ku dhintay qarax-yadii muqdisho ka dhacay. |
Mar dhawayd Mid sxbkay ah ayaa Facebook-giisa kusoo qoray Qaraxa kedib.
✦ Qof kasta murugo ayuu dareemi doonaa.
✦ Guryo farxad ka jirtay ayaa tacsi iyo tiiraanyo soo salaami doontaa.
✦ Saxaafadu waxey ku tartami doonaan soo gudbinta warka naxdinta leh.
✦ madaxdu waxey soo hor istaagi doonaan tvyada iyagoo cambaareynaya qaraxa.
✦ qofkii ehelkiisa ama asxaabtiisa ku waayay qaraxa isagoo sawir ayuu soo raacin doonaa erayo qalbiga taabanaya.
✦ waxey dadka amaan u marin doonaan marxuumiinta.
✦ Dadka qeyb ka mid ah oo jiran ayaa baadi-goob u gali doona qabiilada dadki la laayay.
✦ dad hor leh ayaa dalkooda ka niyad jabi doona
✦ dhowr maalin kedibna waa la iska iloobi doonaa wixii dhacay.
Qof kastoo qarax ku dhintay ama la dilay shalay wuxuu u noolaa sida aan maanta u nool nahay oo kale waxa qalbiyadeena ka guuxaya oo kale ayuu aaminsanaa. Xaqiiqatan ummad hurdeysa ayaan nahay oo iska daawaneysa gumadka socda ma daremeyno misaanka qatarta jirta mana ka hortageyno ilaa uu xanuunka guryahena noogu yimaado
Intii dhimatay Alah u naxariistee inta nool maa qorshe loo sameeyo.!!!
Runta sheekadiisa hada ayaan ogaaday Facebook-ga caadi ayuu kusoo laabtay Qofkasto reerkiisa ayuu ku laabtay wayna dhamaatay wadiniyaddii laab-la kaca ehayd.
Nuur macalin muuse nuur inji

Comments
Post a Comment