Muxuu Ku Saabsan Yahay Cilmu Nafsigu.?

Wax bixinta iyo Deeqsinimada, xiriirinta Waalidka iyo Qaraabada, cibaadada Alle oo lagu dadaalo, ixsaanka iyo naxariista, Waxaas oo Dhan Waa xaalad Nafsadaasi ku sugantahay. Waa Nafsad Walwalkeedii yaraaday oo kalsooni Alle ku Qabta, khatarna aan Dareemayn. Bakhaylnimada, nacfi jacaylka, fulaynimada iyo cabsida, xasadnimada, Hawo Raacidda iyo daroogada oo la isticmaalo, waxaas oo dhan waa xaalad nafsi ah. Markii ay nafsaddu dhisan tahay oo iimaan iyo cibaado Alle lagu dhiso waxay samaynaysaa wax fiican. Markii ay daciifto oo ay hoos aado, waxba iskama celin karto. Shahwada iyo raaxada xaaraamta ah, daroogada iyo wakhti dhumiska waxay naqonayaan macammiisha nafsadda daciiftay. Markii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu yeero inay diinta bartaan oo Alle caabudaan oo xalaal iyo xaaraam kala doortaa, markiiba, waxaad arkaysaa iyaga oo isbadalay. Muuqaalkii jirka wuu isbadalay, oo qurux iyo dhalaal ayaa ka muuqanaya. Fikirkii iyo hammigiina waa is badalay, oo wax barasho, wax akhrin, muxaadaro dhagaysi, diin fidin, dad u yeerid, dhallinyaro shirin waxaas ayuu mashquul ku yahay. Salaadda iyo soonkana waa ilaalinayaa. Shaqada waa ku fiican yahay. Waxaas oo dhan Waxay Tusinayaan xaaladda Nafsadda. Markii Nafsaddu Fiicnaato Wax walba way hagaagayaan. Markay nafsaddu xumaato wax walba way xumaanayaan. Tusaalahaas Dhallinyarada Soomaaliyeed waa darsid ficil ah oo aan wada ognahay. Dadka hadda shaqeeya ee lacagta sameeyay, dadka wax barshada ku mashquulsan, dadka wax qoraya, dadka diinta fidinaya, dadka dagaalamaya oo dalka difaacaya, dhammaantood waa dadkii xarakaadka Islaamiga ah ku lugta lahaa. Dhammaan dhallinyaradii aan diinta iyo cibaadad ku lug lahayn waxay ku mashquuleen qaad iyo sigaar. Way niyo jabeen. Dadka waddammada dibadda kunool arrintaas way ogyihiin. Dhallinyarada aan diinta la barin ama aan cibaadada Alle ku fiicnayn, waxay ku mashquulayaan shahwo Jinsi ah iyo daroogo. Waxay noqdeen dad aan shaqaysan karin. Qaarkood waxay ku biireen burcadda iyo tuugada, aakhirkana xabsi ayay ku danbaynayaan. Waxaas oo dhan waxaa saldhig u ah nafsad jabtay oo rajadii dhumisay. Guulihii layaabka lahaa ee taariikhda caalamka wax ka badalay ee Muslimiintu gaareen wakhtigii Islaamku bilowga ahaa, Waxaa saldhig u ahaa sidii Alle Nafsaddooda u diyaariyay. Marka guulaha aad rabto oo dhan, Guusha Ganacsiga iyo lacagta, xirriirka iyo siyaasadda, wax qabadka iyo xoogga shaqada, xiriirka qooska iyo qaraabada, iyo dhammaan waxa aad rabto inaad ku guulaysato Waxay ku xiran yihiin marba sidii nafsaddadu tahay. Haddii aad ku guulaysato inaad Nafsaddaada xoojiso, wax kasta oo kale ayaad ku guulaysanaysaa. Sidii aad nafsaddada u xoojin lahayd oo aad uga dhigi lahayd nafsad diyaarsan waa sidaan: Waa inaad yeelato, tilmaan iyo abtirsiinyo, kugu kaalmaynaya, inaad wax bixiso. Nafsadda qiimaheedu wuxuu ka bilaamaa, abtirsiinyaha.(Identity) Haddii aad aaminsantay, ku abuuray oo ruuxda kugu afuuday oo ku karaameeyay, dhulka oo dhan uu wakiil kaaga dhigay, ku imtixaanayo, aakhirana ku abaal marinayo, Tilmaanta noocaas ah, ee aad Naftaada siiso, Waa Waxa Nafsaddada ka dhigaya wax weyn oo qiimo leh, oo xumaanta iyo dulmiga iskala weyn.

Lasoco qaybta 4-(Afaraad Dhawaan ) 

F.G Waxa aan Kasoo Xiganay   Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.


W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI

Comments