Baro Naftaada ""وفى أنفسكم أفال تبصرون" War Nafsadiina Soo uma jeedaan.

 Baro Naftaada "وفى أنفسكم أفال تبصرون" War nafsadiina soo uma jeedaan Waxaan niraahnaa „waa nin fiican‟ waa nin xun‟ Waa naag fiican. Waa naag xun Maxaan ula jeednaa marka aan wanaag qof ku tilmaamayno? Waxaan u jeednaa inaan ka warbixino, xaaladdiisa nafsadeed. Waa qof wanaagsan. Waa qof xun. Ninkaas iska jir waa nin xun. Naagtaas naag fiican ma aha. Iska Ilaali. Tilmaamahaas aan had iyo jeer bixino waa maxay? Maxay ku sal-leeyihiin? Maxaan ula jeednaa? Waa muhiim inaan ogaano. Markaan leenahay ninkaas hebal la yiraahdo waa nin fiican oo aad u wanaagsan, uma jeedno midabkiisa, dheerarkiisa, qabiilkiisa iyo xoolaha uu haysto. Uma jeedno dharka uu xirto iyo cuntada uu cuno. Uma jeedno iskuulkii uu ka soo baxay iyo shahaadada uu haysto. Uma jeedno uma dan- lihin meeshii uu ka yimid iyo halkii uu ku koray. Waxaan tilmaamaynaa xaalada nafsadeed ee uu ku sugan yahay. Waa nin fiican iyo waa nin xun waxay tilmaamaysaa xaaladda nafsadeed ee qofkaasi ku sugan yahay.(inkasta oo fiicnanta iyo xumaanta qof lagu sheegayo ay ku xiran tahay hadba halbeegga ay kuwaas wax sifeynaya ku miisaamaan samaha iyo xumaha) Haddii uu nin saaxiibkaa ah kaa codsado inaad u soo raadiso gabar fiican oo uu guursado, sideed u qaadan lahayd? Gabar noocee ah ayaad u raadin lahayd? Maxaad ku kala saari kartaa gabar fiican iyo gabar xun? Ma jooga iyo dheerarkaa? Ma midabkaa? Ma da‟daa? Ma meesha ay ku kortay iyo meesha ay dagantahaybaa? Ma xoolaha ay haysataa ? Maxaad ku soo sooci lahayd gabadh fiican? shaki la‟ Xumaanta iyo wanaaggu waa xaaladda nafsadda. Xaaladda nafsadda ee dadka ayaa kala duwan. Iyada ayaa qaadata tilmaamahaas aan sheegno. Marka aan wanaag sheegayno waa xaalad nafsadeed. Sidoo kale, marka aan xummaan sheegayno ama aan qofka u nisbaynayno, waa xaalad nafsadeed. Caruurteenna waan kala tilmaannaa. Waxaan ku sheegnaa mid inuu Caasi-waalid yahay. Midna inuu baari yahay. Mid waan u ducaynaa. Waan jecelnahay. Wax kalana ma ahee wax buu bixin karaa. Wakhti, booqasho, u khidmayn, wax maqlid, daryeel iyo tixgalin, waa qof wax bixin kara. Sidaas daraadeed waan u ducaynaa. Waan jecelnahay. Midka kale aragtidiisa ayaa dhib ah. Booqasho malaha. Wax quur malaha. Dareen iyo daryeel ma laha. Haddana waa laba cunug oo aad adigu aabbe ama hooyo u tahay. Waa laba cunug oo aad soo korisay. Waa laba cunug oo aad jeclayd. Waa laba cunug oo aad ku soo rafaaday. Waa isku hooyo iyo isku aabbe. Haddana aad ayay u kala duwan yihiin. Waa maxay sawabtu? Waa xaaladda nafsadda. Nafsaddooda ayaa kala duwan. Nafsadda ayaa kala xoog badan. Nafsadda ayaa midna caafimaad qabtaa midna jirantahay. Waa nafsaddaas midda aan baranayno oo aan wax ka sheegayno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ninkii Saacad kaa horeeya maalin magaartid. Ninkii maalin kaa horeeyana Bil ma gaartid. Ninkii bil kaa horeeyana sannad ma gaartid. Ninkii kaa Xaas (Xilaha) fiicanna waligaa ma gaartid. Naagtaas wanaagsan, waxa loo jeedo oo la ammaanayo, waa nafsaddeeda.....

Lasoco qaybta 6-(lexaad Dhawaan ) 

F.G Waxa aan Kasoo Xiganay   Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.


W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI

Comments