Saamaynta Aragtida Waxa ku Hareereysan Qofka aanadaha ah,



 

NUURINJI AND OMAR DAAHIR 

Nafsadda aadanaha waxaa saameeya: Wuxuu arko,Wuxuu maqlo, Wuxuu nafsaddiisa isu sheego, Iyo wuxuu aammino. Aniga oo ka duulaayo fikradahaas ayaan maqaalkaan hoose waxa uga hadlayaa Saamaynta aragtida waxa ku hareereysan qofka aanadaha ah, aniga oo soo xigan-doono daraasado iyo cilmi baaris ay sameeyeen cilimi baarayaal dunida dacaladeeda jooga Tusaale daraasad ayaa leh,

 Qofka Haddii uu kunool yahay, xaalad xun ama goob xun, oo uu had iyo jeer arko, wax xun oo liita, way saamaynayaa. Fikradda uu nolosha ka haysto waxay ku xiran tahay wixii uu arkay, iyo sidii loo noolaa wakhtigiisii. Haddii ay ladnaan iyo barwaaqo ahayd, waxaa laga yaabaa inuu nolosha oo dhan sidaas u qaato oo uusan ku qancin wixii uu arki jiray wax ka liita, ama ka yar. Haddii uu iimaan iyo cibaado iyo akhlaaq fiican ku barbaaray, nafsaddiisu lama qabsan karto, kufri iyo cisyaan ,been, tuugonimo iyo wax la mid ah. Daawashada quruxda iyo waxa wanagsan waxay saamayn fiican ku yeelataa maskaxda. Qofka meel fiican kunool wuxuu had iyo jeer qiyaas ka qaataa meesha uu kunoolyahay iyo waxa uu arkayo. Cunuga magaalooyinka waawayn kunool  isla-markaasna had iyo jeer arkaya saraha dhaadeer oo quruxda badan wuxu ku fikirayaa inuu helo ama yeesho sarahaas dhaadheer oo kale iyo meelahaas quruxda badan oo lagu raaxaysto. Waxaa muhiim ah in la doorto meelba meesha ay ka waasacsantahay, ka qurux-badantahay, ka hawo fiican tahay. Maxaa loo dooranayaa meelaha fiican iyo aragtida waxyaabaha quruxda badan? Waxaa loo dooranayaa, waxay saamaynaysaa nafsadaada iyo maskaxdaada. Qofka bina‟aadamka ah wuxuu u baahan yahay meel uu qiyaas ka qaato. Qofku wax uusan wali arag, ku fikirin ma mafahmi karo, horumarka, dhaqaalaha, quruxdu waxay u baahan yihiin meel looga qiyaas qaato.,maskaxdu wax aysan waligeed arag kuma fikiri karto. kaliya waxay ku fikiraysaa wixii ay arki jirtay, marka, meesha aad ku nooshahay iyo waxa aad arkayso nafsadaada saamayn wayn ayay ku leeyihiin. Dadka kunoolaa wakhtiga dheer meel aad u liidata oo faqriga iyo gaajadu hooy ka dhigteen, waxay ku fikirayaan wixii ay arki jireen oo ay ku noolaayeen. Uma muuqan karto waasacnimada Alle iyo badnaanta khayraadka Alle adduunkaan ku abuuray. Markaas waxaa ku badan baqdinta, bakhaylnimada, xaasidnimada iyo wax bursiga, maxaa yeelay had iyo jeer wuuxu ku fikirayaa wax yar oo ay lagama maarmaantahay in loo tartamo oo lakala bursado. Mararka qaarkoodna ay lagama maarmaantahay in la isku dilo. Waxaas oo dhan waxaa keena baqdinta faqriga iyo maskaxda oo ay ku duubantahay wixii ay arki jirtay oo ciriiriga ahaa.

Lasoco qaybta 2 (labaad dhawaan ) 

F.G QAYTB KA MID AH Waxa aan Kasoo Xigtay  Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.

W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI

Comments