Nolosha Somalida Ku nool Wadanka Koonfur Afrika (SOUTH AFRIKA )
Wadanka koofur africa ayaa lagu tilmaa mid ka mid ah wadamada africa ugu badan ee ay ku noolyihiin dadka somaliyeed ee kasoo cararay dagaalada sokeeyo' diryanka madaafiicda' shaqo la'aanta dabo taal' ganacsatada isdiidan' dilalka qorsheysan' qaraxyada is dabo yaal' ee ay ka danbeeyaan dooxatada al-shabab ee aan u diirnixin danyarta iyo masaakiinta' ee diidan nabad in lagu dabaalo dalkeyna hooyo ee soomalia oo ay colaado ladegeen dhibaatooyinkaan is dabo yaal ayaa sababay in qaar kamid ah dadka somaliyeed ay dalkooda ka cararaan una jihaystaan dalal aysan aqoon diin ahaan' dabeecad ahaan' dal ahaan iyo dad ahaanba' nolol ahaan aad bay u adagtahay lanoolaashaha dad aadan intaaba wadaagin waa xaqiiqo marka aad lanooshahay dad aadan dal iyo diin wadaag ehayn in aad lakulmeyso ficilo cunsuri ah taas oo aad kala kulmeyso dadka u dhashay wadanka aad ku nooshahay oo aadan asal ahaan u dhalan xitaa haddii aad mudo ku nooleed oo aad haysato dhashadda rasmiga ah ee dalkaasi aad ku nooshahay. sidaa oo ay tahay dad badan oo somaliyeed ayaa u bareeray lanoolaashaha dad aysan dabeecad aqoon. inkastoo ay kala wanaagsan yihiin lanoolaashaha dadka aadan dal wadaaga ehayn hadaneh waxaa jiro dalal lagu dhibaateeyo qaxootiga somaliyeed wadanka koofur afrika waxa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee ay kala kulmaan somalida dhibaatooyin xoogan.
wadanka koofur afrika waa dal ku shaqeeyo nidaamka fidiraalka oo kamid ah nidaamyada ay ku shaqeeyaan qaar badan oo kamid ah dowladaha caalamka sharciga wadankaan ayaana qofka muwaadinka ah u ogolaanaayo hubka in uu si fudud ku helikaro kana ganacsankaro gudaha wadankaan koofur africa ayaa waxaa ku yaalo suuqyo lagu iibiyo hubka sidaa darteed Dadka ku nool wadanka aad bey ugu sahlantahay in ay helaan hubka wiliba si fudud waana sababta amaanka wadanka guud ka dhigtay mid aad u hooseeya wadankaan ayaa safka hore kaga jira wadamada aan amaankooda laysku haleynkarin sida ay sheegeen hay'adaha Q/M u qaabilsan qiimeynta wadamada amaankooda liito Guud ahaan wadanka Koofur Afrka ayaa sanadii ugu danbeeyay amaankiiso ahaa mid faraha kasii baxaayay sanadkii tegay ee 2017-dii iyo sanadkaan 2018-ayaa la sheegay in ay aad usii korortay dadka lagu dilay wadanka koofur afrika dabayaaqdii bishii tagtay ee september warbixin ay soo saareen poliska dalka koofur africa ayay ku sheegeen labadaan sano ee ugu danbeysay in ladilay 20,000-(labaatan kun) oo ruux taas oo kadhigan celcelis ahaan in maalintii ladilo 57-ruux warbaahinta wadanka koofur afrika ayaa mudooyinkaan danbo hadal hayso warkaaas uu soo saaray sargaal qeybta denbi baarista ee bolis-ka wadankaan koonfur afrika inta badan dilalka ayaa ah kuwo qorsheysan taas oo aygeystaan kooxo burcad ah kuwaas oo inta badan weeraaro soo galootiga ganacsiyada ku leh inta badan goobaha kabaxsan magaalooyinka sidoo kale waxaa jiro dilal ay isku geystaan wadayaasha iyo milkilayaasha wadaniga ah ee ka shaqeeya gaadiidka qaado dadweynaha (caasileyda) sidoo kale waxaa ku badan wadankaan dilalka ay isku geystaan dadka ehel wadaagga ah kuwaas oo lasheegayo in ay isku dilaan dhaxalka ama hantidda waalidka uga dhinto , iyo aanooyim ama aargoosi laxariira dilal hore u dhacay.
maxey lakulmaan jaaliyadda somaliyeed ee ku nool koonfur afrika.?
Asal ahaan dadka kasoo jeedo wadanka koofur africa ayaa ka siman cudurka soo galooti necaybka ayagoo kula dhaqaaqo soo galootiga falal bini aadam nimada ka baxsan sida in lagubo, ladhaco hanti uu ku tacab beelay' in mar marka qaar loo geysto jirdil' handadaad' iwlm hadaba jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool wadanka koofur afrika ayaa qeyb ka ah dadka lakulmo dhibaatooyinkaan lagu haayo soo galootiga soo megan galay wadanka dhaco geeska koofureed ee qaaradda afrika ee lagu magacaabo koofur afrika tiro ahaan jaaliyadda somalida ee ku nool koonfur afrika ayaa lagu qiyaasaa in ku dhow 50,000 (kunton kun oo ruux) dad kaan ayaa %99.9 ah dhalinyaro kuwaas oo ku jiro da'aada 20'naad ilaa 30-sodonaad oo ah halka ugu wanaagsan dhalinyara nimada waxa ay safar dheer usoo galaan in ay hormar ka sameeyaan nolosha isla markaasna ay ka shaqeystaan wadankaan oo lagu tilmaamo mid ka mid ah wadamada afriko ugu dhaqaalaha iyo fursadaha badan. dhalin yaradaan ayaa iskugu jira kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn iyo kuwo ku nool goobaha tuulooyinka ah ee kabaxsan magaalooyinka inta badan dhibku waxa uu ku dhacaa goobaha tuulinka ah oo ay ku nool yihiin inta ugu badan dhalinyaradda soomaaliyeed ee soo megan galay wadankaan. qaarkood waxa ay ku noolyihiin xaafaddo isku raran ah oo aan amaan ahaan wangsaneyn waxa ayna lakulmaan dhibaatooyin isugo jiro dil, dhac, boob, handadaad, jirdil, iyo gubis iyaga iyo goobohooda ganacsiga majirto hay,ad ama safaarad si buuxdo xaqooda ugu dhiciso dadaalo aan badneyn iyo isku xirnaan aan caga badan ku taagneyn oo ay sameeyaan dhalinyadda qaarkood uma saamaxdo in ay dhibku kayaraado had iyo jeerne waa kuwo u nugul in ladhibaateeyo booliska dalkaan oo muujiyo wax qabad yar majirto hay,ad ama safaarad ku la xisaabtanta dabagalka denbiyaddii dhacay sidaa darteed dhamaan kiisaska soo gaaro bolis_ka waxa ay ku dhamaadaan wax kama jiraan maadaama aan lagu cadaadineyn dhalinyaradda qaarkood ayaana aaminsan in kiis bolis uu wax badan ka tari karin dhibaatooyinka loo geysto somalida sidaa darteen marka uu denbi dhaco qaarkood madaneeyaan in ay xarumaha boliska ay war geliyaan
.
Iskusoo wadadoobee dhalinyaradda somaaliyeed ee ku nool wadankaani koofur afrika ee had iyo jeer lakulmo dhibaatooyinka ayaan jirin cid u maqan iyo ceel u qodan toona
W/Q: Nuur Muuse Nur Inji
Tr-12-10-2018
G-mail: Nuuryare902@gmail.com
Cape Town, Western Cape. SOUTH AFRICA

Comments
Post a Comment