JeelKA ILaa Jago SARE:
waa subax hore oo axad ah taariikh-du waxa ay ehayd 13, August/2017-dii waxa aan mid kamid ah idaacaddaha ka dhegansadey war-dareen-ka maalintaydaas bedelay oo ahaa in hogaamiyhii hore ee urur-ka Al-shabab kana mid ahaa aas-aasa yaashii urur-ka al-shabab Sheikh muqtaar roobow abuu-mansuur uu isisoo dhiibay maamulkii hore ee uu hogaaminaayay ex Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
malahayga maalintas waxa aan sawirtay in uu dhamaan-doono dagaalka ama uu ugu yaraan liici-doono dagaalka lagula jiro urur-ka al-shabab mar-haddii uu isisooo dhiibay mid ka mid ah hogaamiyihii ugu saameynta badnaa aniga oo markaas maskax-da ku haayo dilkii loogaystay sanado uun ka hor, Axmed Godane, macalin xaanshi-,Ibrahim Afghaan, Macalim Burhan, Cumar Xammaami (Abu Mansuur Al-Amriiki) oo dhamaan-tood ahaa hogaamiyayaal al-shabab ahaa walow mar-danbe ay soo bexeen warar sheegaayo in sheikh muqtaar iyo koox-da Al-shabab uu khilaaf u dhexeeyay mudo sheikhuna uu joogay howd-ka deegaan-ka Abal oo Xudur hoos tagta.
abuu-Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.
Abuu Mansuur ayaa 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 laga soo xiray Madaxtooyada Baydhabo,xilli uu socday ololaha doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed. Toddobaadkii xigay oo taariikhda ku beegneyd 19-kii December, doorasho ka dhacday magaaladaasi ayaa xilka loogu soo doortay Madaxweynaha talada haayo ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Waxaa horey u guuldareystay dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeedda Koonfur Galbeed, oo lagu doonaayay in xabsiga looga soo sii daayo Abuu Mansuur.
sheekada layaab-ka iyo xiisaha leh ee qabsatay baraha bulshada ayaa ah in iyada oo aan horay loo shaacin in xabsiga laga siidaynaayo walow xanta iyo xam-xam-ta in xil loomagacaabayo ah la hadal haayay hadaneh dad badan oo aan kamid ahaa mafilaynin in sheikh muqtaar loo magacaabaayo xil-kaan sare ee ah wasiirka owqaafta iyo Arrimaha diinta anaga oo og in uu xabsi ku jiro ayaan mar qura maqalnay magaciisa oo waziirada lagu soo daray iyo asaga oo fadhiyo safka hore ee makaan fadhiga waziirada cusub.
Falaan qeeyaal badan oo u dhuun duleelo arimaha siyaasada somalia ayaa aaminsan in xilkaan loo magacaabay sheikh muqtaar roobow abuu-mansuur ee ah wasiir-ka diinta iyo owqaafta in lagu fududaaday aqriste adiga ma u araktaa in lagu fu,dudaaday haddiisa xil-loodhiibaayo maxaad la jeclaan lehayd oo aad aaminsantahy in uu kasoo bixi lahaa.?
W/Q:-nuur macalin Muuse nuur inji
Comments
Post a Comment