Haa adigu waxa aad araktaa sawir balse anigu waxa aan arkaa humaag xasuuseeed maskaxdeyda ku kaydsan oo uu igu reebayo sawirkaan dhamayso sheekadda sawirka xasuustii xamar. Sheeko iyo shaax.

Haa adigu waxa aad araktaa sawir balse anigu waxa aan arkaa humaag xasuuseeed  maskaxdeyda ku kaydsan oo uu igu reebayo sawirkaan dhamayso sheekadda sawirka xasuustii xamar. Sheeko iyo shaax.

Sanad-ku waa 2015 -kii ka hor inta aana muqdisho kasoo rawaxin. 

Inta badan xiliga qorax Hoyaaat-ka ama casir liiqa ee ay noo soo dhamaato howl-maalmeedkeena' wax barashada ama shaqo aniga iyo asxb kale waxa aan ku qaxweyn jirnay maqaayadda sharma-arke ee ku Taal kasoo horjeedka ajab-ka macmacaan-ka degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir oo aan Sidaa kaga fogeyn xafadda aan deganahy xitaa Asxb aan deris nahy Ayaan isku balansan jirnay Halkaa si aan waqti ugu qaadano xasuusaha aan marneh iloobay waxaa ka mid ah fowdadii iyo kaftan-kii qaraaxada la haa ee aan is dhafsan jirnay Asxbta qaarkood kuwaas oo runtii ah asxb loo xiiso Sheekooyin waayihii caruur nimo ' ee qaraaxada lahaa ee aan sida talantaaliga leh isku dhaafsanjirnay ayaa ka mid ahaa wax yaabaha aan xasuustayda ka go'in waxa aan ugu jeclaa marka layswaydiiyo maxaa kuugu yaab badnaa ee layaab qosul iyo qaraaxo ah ay Asxbta qaarkood soo jeediyaan balse maalintaan waxa aan u fadhinay soo dhaweynta sxb/Walal Yuusuf Socdaal oo ahaa qurbo joog mudo dalka ka maqnaa sheekadda xiisaha leh ee uu xanbaarsanyahy sawirka ayaa ah anaga oo helikarno goob qurux badan oo aan fadhiisano Ayaan si dareen iyo dhiiri-gelin leh uyara sheeko iyo shaax-doonay gabar da'ayar oo ay ka muuqato asturnaan iyo adeb hadaneh ku dhiiratay in ay shaqeysato oo laamiga dhiniciisa dhigatay miis yar oo ay saarnaayeen labo Tarmuush iyo burjiko dhulka tiil oo ay kirle (Jelemad) u saarneed xili hablaha caynkeeda ah ay iskala waynyihiin shaqadaan magaceedda waxa ay noogu sheegtay zahro haddii Aana qaldaneyn nin Oday ah oo la oran jiray xaaji Salaad oo markii denbe geeriyooday ayaa ay noo sheegtay iyada oo laamiga dheniciisa fadhida in uu u Fududeeyay in ay ku shaqeysanto halbaab guri uu masul ka ahaa oo dhinaca ku haayo AJAB-KA macmacaan-ka Halkaas oo ah ilinka albaab-ka Naga danbeeyo ee aan hortiisa fadhino waligaaba dhiiri-gelin sii oo wax ka gado dadka abuurta ganacsiyadda yar yar ee leh dhiiranaanta hamiga ku dhisan ma-garan karo zahro wili in ay halkeedi joogto iyo haddii ay ka dalacday Ama ay noloshayba mahelin aqbaar teeda ah balse waxa ay ehayd gabar ay ka muuqatay isku kalsoonaan iyo hami-ganacsi oo oo miro dhal ah waxa ay ehayd qof ku dayasho mudan waxa aan kula Talinayaa gabadha iyo wiilasha shaqo la'aanta inta badan ka cabta hadaneh shaqooyin-ka Qaar iskala weyn in ay fadhiga ka Kacaan kuna daystaan gabadhaas aan sheekadeeda idinla wadaagay waan rejaynaa in ay noloshay oo ay rejadeedi ehayd isku filnaashada ka dhabeysay kana dalacday halkii meelkasto ay joogto Guul Ayaan u rejaynaa.

 Diplomacy Nuur Inji maxamed osmaan  Shiine Akhyaar  iyo Yuusuf Socdaal Muuse  oo Malaha xiisaynaayo shaax Somali-ga  oo uusan mudo arak maadaamo uu dalka ka maqnaa ayaan goobta ku fadhinaa Shiine aqiyaar ayaa Naga qaaday sawirka wiliba si qarsoodi-ah anaga oo aan u diyaarsaneyn sawir-ka Malmo kidib ayuu natusiyay noona sheegay in uu sawir-kaan Naga qaaday xaqiiqdii sawirka masixi karo maalinta sax-da ah ee la qaaday balse waa bilow-gii sanad-kii 2015-kii.

W/D- Diplomacy Nuur Xaaji Muuse

Comments