ciidanku waa madaxweynaha kaliga ee aan waqtiga ka dhamaan waana asalka jiritaanka dowladnimada.

Dowlad nimo maaha shaqsi lataageero ee Waa ciidan lataageero calanku waxa uu calan ku yahay ciidan ee kuma aha cudud dad ah
!
(ciidanku waa madaxweynaha kaliga ee aan waqtiga ka dhamaandalkaneh maamulo.?)

Fadlan aqri lana wadaag asxbtada 
W/D:-  Diplomacy Nuur Inji 
Waa xaqiiqo ciidanku in uu haayo howl weyn waana lafdhabarta jiritaanka umadeed ciidanku Waa hormariya ama dib udhigaha hanaan socodka dowlad nimo haddii tayo, tiro' iyo tababar dhameystiran ay helaan Waa xaqiiqo in ay hanan karaan amaanka guud ahaan dalka sida adiga' aniga' anaga' iyaga horu maray aan wada aaminsanahay duniduna isku raacsantahay xaqiiqna ah dowlad majirto ciidan la'aan dowladaha huro maray waxa ay ku hormareen waa dhismaha ciidan tayo leh iyo shacab is raacsan oo garbaha is haayo.

Haddii aynu nahay noolaha aadmiga ah waxaa Allah noogu deeqay dhego aynu wax ku maqalno indho aynu wax ku arakno' ku aqrisano' qalbi aynu wax ku fahano' dareen na kiciyo/nademiyo-- iyo xasuuso aynu ku keydino Taariikhooyinka dunida ka dhaca inagoo adeegsaneyno agabyo lagu keydiyo  sida buuggaag iwlm iyo kuwo lagu daawadu lagu maqlo waxa ka socdo dunida haa casrigaan aad bay u sahlantahay in wax laga barto taariikhda waayo hormarka tiknolojiga ayaa aad usii sahlay dunida waxa ka socdo wixii lasoo dhaafay oo keydsan intaba waxaad ka ogaan kartaa Taleefonkaga gacanta/computer-kaga adiga oo aan wax lacag ah ku bixineyn taasi waa hormarka maanta dunida ku talaabsatay iyo warbaahinta horu martay taas oo laga baran karo wax badan.
marka aynu eegno dunida nagu hareeraysan waxa ay u go'antahay wadan wadan dalkastaneh dantiisa asagaa xur u ah oo majiro dal ka shaqeeya hormarka dalkale waa duni uu tartan xoogan ka dhexeeyo waxa ay dunidu tartan ugu jirtaa hanashadda hogaan wanaag wadan kasta waxa uu eegayaa wadan kale si uu uga hor maro asagoo adeegsanaayo cudud ciidan' shacab iyo cilmi taariikheed wanaagsan oo uu wax ka bartay.
Anaga Somali ahaan dunida mala tartanaa xag ciidan' hormarka ganacsi' hormarka tiknoloji iyo si guudba tartan ceynkee ah ayaanu ku jirnaa.? maxaa naga hortaagan ka qeyb qaadashada tartanka dunida ka jiro.?
Wili ma maqashay wadan wadankake ciidankiisa u dagaalameen hormarka aygaarsiiyeen dadkiisuneh wili ay iyaga is haystaan.?  Xagee buu jiraa dareenkii- wadanimo ee awoowayaasheyna ka doorteen dhadhalaalka dunida.? Jwbaha su'aalahaan adiga ayaan ku daynayaa aqriste.

Inta badan dhegehayna waxaa ku batay asgari ciidanka dowlada ka tirsan oo qof shacab ah ku dilay meel hebel- asgar  is rasaaseysay oo ay dad shacab ah ku dhinteen ama ku dhawacmeen.- mid ka mid ah ciidanka dowlada oo masuul hebel si baraar ah xabad wadnaha kaga dhulfay. !
 maqalka erayadaan quseeyo dhacdooyinka ama qaladaadka ciidanka ka dhaco ayaa joogto ka naqday qeybo kamid ah Somalia waana sababta dad badan ay aad uga naxaan maqalka asgari ama ciidan qaar kamid ah xogbaarayaasha ayaa tilmaamay dhibaatada ugu weyn ee keentay kala fogaanshaha ciidanka iyo shacabka in ay tahay tebinta qaladaadka asgarta qaarkood ay geystaan ee warbaahinto buun buuniso haddii bedelka wanaaga hab dhaqanka qurxan iyo hormaradda ciidanku gaaraan warbaahinto buun buuni lehayd waxaa suuro gal ahaan lehayd in xiriir wanaagsan ka dhexeyn lahaa ciidanka iyo shacbiga inkastoo hada soo wanaagsanaayo xiriirka ciidanka iyo shacabka hadaneh waa muhiim caawinta' kawar qabka iyo dhiiri gelinta ciidanka waayo dunida shacab iyo ciidan is bahaystay ayaa hormariyay. Caawinta ciidanku waa waajib wadaniyadeed oo nasaaran Fadlan aniga adiga iyo dhamaanteyba aan uwada is taaknoo gudashada waajibka wadanimo ee na saaran xasusnow haddii aanan ciidanka caawin mahelidoono dowlad maxaa yeelay ciidanku waa madaxweynaha kaliya ee aan waqtiga ka dhamaan sababtoo ah eray ahaan madaxweynahe waxa aynu ugu yeernaa sanado' malmo' iyo bilo koobanba' qof ku magacaaban hogaan dal ama qof loo idmaday in uu dalka korsiga ugu sareeyo uu ku fadhiyo qofkaas waxa uu korsiga ku fadhinaa sanado kooban kidib waxaa bedelidoono ruux kale lkn qofka ciidanka ah maaha qof haayo howl uubedelaayo qofkale oo lagu leeyahay waqtiga  ayaa kaa dhamaday waa ku ushaqeeyo shacabka una taagan qoraxda iyo qabowga hapeen iyo maalin meel kasto aad ku sugantahay kucaawi ciidanka xog' wax dheef' xoog' dhiiri-gelin iyo wax kasto oo aad ku caawin karto ciidanka qarankaaga 

F.G:- Fadlan ilaali xuquuqda qoraalka waxa ay u dhowrsantahay qoraha ku saxiixan. Maqaalkan waxan qoray sanadkii tagay 2018-7-29-dii

SOUTH AFRICA, CAPE TOWN'

Comments