wax ka baro taariikhda dadka madow ee koofur Afrika qeybtii koowaad (1)

Koonfur Afrika waa wadan ku yaalo koonfurta hoose ee qaarada Afrika, waxaana ku wareegan buuro oo daris la ah badweynta hindiya oo ka xigta dhinaca bari iyo badweynta atlaantik oo ka xigta dhinaca galbeed.Wadankaan wuxuu xuduud la leeyahy wadamada Mozambique , Zimbabwe , Namibia ,Botswana . Lesotho iyo Swazi-land. Caasimada wadanka waa. {pretoria] hasa ahaate magalada ugu Wayn waa Johannesburg. Dadka degan wadankaan waxaa lagu qiyaasaa 58.8 milyan oo ruux 
 Madaxweynaha ugu horeeyay koonfur afrika wuxuu ahaa Nelson Mandela.
wadankaan waxaa soo gumeestay Ingriiska doorashaddii ugu horeeysay waxaa la qabtay 1994ti.
wadankaan waxaa xukumo dad cadaan ah oo asal ahaan ka soo jeedo holand iyo madow bantu ah. kala duwanaanshaha dhaqanka iyo qowmiyadaha dalka. Tirada dadka ku nool Koonfur Afrika waa mid ka mid ah kuwa ugu adag uguna kala duwan adduunka.

dadka madow waxa ay u qaybsamaan qabiilo, kooxo, IYO qowmiyado hasa yeeshee Afarta qowmiyadood ee ugu waawayn ee ka soo jeeda Madow Koonfur Afrika waa Nguni, Sotho, Shangaan-Tsonga iyo Venda Nguni wuxuu matalaa ku dhowaad saddex-meelood laba meel dadka Koonfur Afrika ee Madow waxaana loo qaybiyaa afar koox oo kala duwan; Waqooyiga iyo Bartamaha Nguni (dadka ku hadla Zulu), Koonfurta Nguni (dadka ku hadla Xhosa), dadka Swazi ee ka yimid Swaziland iyo meelaha ku dhow iyo dadka Ndebele ee Gobolka Waqooyiga iyo Mpumalanga. Caddaymaha qadiimiga ah waxay muujinayaan in kooxaha ku hadla Bantu ee awoowayaasha u ahaa Nguni ay ka soo hayaameen Bariga Afrika horaantii qarnigii kow iyo tobnaad. 

Dadka Xhosa waa faracii Nguni, oo ka soo haajiray bartamaha iyo waqooyiga Afrika si ay u degaan koonfurta Afrika. Waxay ka kooban yihiin dhowr qabiil sida Gcaleka, Ngika, Ndlambe, Dushane, Qayi iyo Gqunkhwebe, oo asal ahaan ka soo jeeda kooxda Khoisan.(goysaan)

dadka xlosa ah ee u dhashay wadankaan waxaa lagu qiyaasaa 8.2milyan oo ruux luqadooda waa luqadda labaad ee wadanka looga hadlo marka laga reebo luqadda zulu-ga oo ah luqadda dadka ugu badan ee koofur Afrika inkastoo ay isku dhowyihiin labada luuqadood isla markaasneh ay ka tirsanyihiin kooxda Bantu faracoodda Nguni.

hadabada su,aalaha iswaydiinta mudan ayaa ah waa dad caynkee ah dadka xlosa.? 
waa sidee hab dhaqankooda.?
 maxaa ka jira in ay yihiin dadka ugu badan ee dhibaatadda ku ah soo galootiga ay Somalida ugu horaysa.?

ma dhab baa meelaha ay degaan in lagu dilay Somalida ugu badan ee lagu dilay wadankaan.?
su,aalahaan iyo kuwo kaleba waxaan uga jawaabi doonnaa faalladda xigta insha allaah.

W/D:_Nuur Macalin Muuse Nuur inji
 Cape Town, South Africa

E-Mail--nuuryare902@gmail.com

Tr/_21/2/2021

Comments