Maxaad kala socotaa nolosha dhabta ah ee M/Cape town ee daaha kadaashiisa ku laaban oo aysan inta badan ka hadlin warbaahinada koofur Afrika 👇

Western Cape waa gobol ka mid ah gobolada Koonfur Afrika, waxa uu dhacaa xeebta galbeed koofur Afrika Waa gobolka afraad ee ugu ballaaran sagaal gobol oo leh aag gaaraya 129,449 kiilomitir isku wareeg ah (49,981 sq mi), Sidoo kale waa gobolka saddexaad ee ugu dadka badan, waxaana lagu qiyaasaa 6.6 milyan oo qof in ay ku noolyihiin qiyaastaan ayaa la sameeyay sanadkii 2018-kii Qiyaas ahaan saddex meelood labo meel dadkaas deggan waxay ku nool yihiin aagga caasimadda ee Cape Town, oo sidoo kale ah caasimadda gobolka. Western Cape waxaa la aasaasay sannadkii 1994-tii qayb ka mid ah Gobolka Cape Cape.

hasa ahaatee warbixintaynaan ugama hadlayso maanta gobolka dhaca galbeedka koonfur Afrika ee Western Cape oo dhan balse waxaan uga hadlaynaa nolosha dhabta ah ee caasimada gobolkaan ahneh caasimada labaad ee wadanka koofur Africa waa magaalada ganacsiga ee Cape town waxa aana dul istaagi doonnaa nolosha dhabta ah ee ka jirta halkaan IYO sheekooyin naxdin iyo layaab ka leh oo aysan inta badan ka hadlin warbaahinta koofur Afrika inta badan waxa aan ka sheekayndoonaa nolosha dhibka badan ee meelaha looyaqaano town ship-ka ama toolooyinka ka baxsan magaalooyinka oo ay ka jirto nolol silic badan Gar ahaan waxaan si gaara u taaban doonnaa dhibaatooyin lagu haayo dadka soomaaliyeed.

koofur Afrika oo ay ku noolyihiin dad soomaaliyeed oo lagu qiyaasay 35-ilaa 40- kun oo u badan dhalinyaro xoogsato ah ayaa Intooda ugu badan waxa ay ku noolyihiin goobaha ka baxsan magaalooyinka. 
Cape town waxaa lagu tilmaamaa magaaladda Ugu badan ee ay ku noolyihiin dadka soomaaliyeed sidoo kale waa magaalada ugu badan ee ay kala kulmaan dhibaatooyin iskugu jira dilka, dhaca, dhaawaca, boobka IYO dhibaatooyin kale iyagoo la daalaadhacaayay dhibaatooyinkaas qaar kamid ah lagu dilay, lagu Cayr teeyay, lagu naafeeyay, soona jiitamaysay mudo fug ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo kordhay dhibaatooyin kale oo lagu cayrteeynaayo Intii soo hartay ee ku adegtay sii wedista Ganacsi ay ku bexeen walalohood.
shabakaad ay ku midaysan yihiin kooxo burcad koofur Afrikaan ayaa ka dilaacay Dhamaan tuulooyinka magaalada Cape town waxa ayna lacago baad ah bishii ka qaadaan ganacsiga dadka aan u dhalan wadanka koofur Africa oo ay Somalida ugu horayso qofkii ka indho adeego dhiibista lacagta baada ah ama ku wargeliyo booliska waxa ay ugu hanjabayaan in ay dili doonaan iyaga qudhooda burcado waxa isku dagaalaan qaybsashadda lacagta baada ah oo ay ka soo qaateen ganacsatada taas ayaa sababtay in ay burcado ukala jabeen qaybo qaybo taas oo keentay in ay iyaga u kala socda Qof Qof iyo koox koox ay yimaadaan dukaamadda isla markaasneh si xoog ah ay baad uga qaataan ganacsiga ay leeyihiin Dad ay kamid yihiin Soomaalida ku nool magaalada Cape town.
qaar kamid ah waabinta koofur Afrika iyo hay,adada u dooda xuquuqda qaxootiga oo xog baaris xoog leh kasameeyay ayaa ogaaday in qayb boliska Cape town kamid ah ay gacansaar laleeyihiin Burcada taas ayaana sababtay in ay iskaga haraan kiis kaas tan ayaana u muuqato in uu yahay heshiis dhax maray qayb ka mid ah dowlada gar ahaan madaxda boliska Cape town iyo Burcada taas oo salka ku hayso falalkii ajnabi necaybka ahaa ee caanka ay ku ehaayeen koofur Afrika.

baahinta warbaahinta muqaalka ah iyo buun buuninta baraha bulshada ee sheekadaan ayaa gartay madaxda dowladda taas oo keentay in qaarkood ay ka horsheegaan Golaha baarlamaanka koofur Afrika..

 Sidoo kale madaxweynaha koofur Afrika criyal rama phosa ayaa wacad ku maray in wax laga qaban doono burcadaan lacagaha baada ah ka qaada ganacsatada ajaanibta ah ee ay somalida ugu horeyso. 

shabkadaan gangistarada ah ayaa meelo badan ka shabahda dagaalamashaaya Al-shabab gar ahaan qaybta amniyaadka oo si dhuumaalaysi ah qofka ku dila iyaga oo ka tuuganaayo meel ay adagtay in uu ka kaco qofka sida madaxa iyo wadnaha oo ah halbowlaha ruuxda taas ayaana sababtay in aad looga cabsado Sidoo kale burcada ayaa isticmaalo duubashada wijiga oo ay caanka ku yihiin ururka Al-shabaab si aan loo aqoonsan tani waxa ay adkaysaa in baarayaasho ay ku guulaytaan helista denbilihii falka gaystay waana sababta xog rasmi ah looga la,ayahay dilka somali badan oo wadankaan lagu dilay.

 isku soo wada doobee dowladda koofur Afrika ayaa haatan wado dadaalo ay ku xakamayneyso wax yeelada loo gaysto qaxootiga magangelyo doonka ah ee ku nool wadankaan koofur Africa oo ay Somalida qaybta ka tahay walow aan la ogayn dadaalkaas halka uu ku danbayn doono iyo waxa uu ka bedeli karo nolosha silici iyo cariirga Leh ee ay ku noolyihiin dalka dulsaarka ku ah koofur Afrika.

W/D:_Nuur Macalin Muuse Nuur inji

 Cape Town, South Africa

Tr/__10/2/2021

Comments