Xikmadihii Albert Eintein
Albert Einstein waxaa uu uu ahaa saynisyahan u dhashay wadanka germany, waxaa uu ku dhashay magaalada Ullm ee Germany sanadku marka uu ahaa 1879 bisha maarso 14-keeda.
Hadalka ayaa aad ugu adkaa marka uu yaraa. 4 Sano jir ayuu hadalka ku bilaabay, wax akhriskana waxa uu ku bartay isagoo 7 sano jir ah. Sidoo kale Einstein yaraantiisa waxaa ku adkaa fahamka, macalinkiisu aad ayuu uga caban jiray fahmo xumadiisa darteed. Wuxuu ahaan jiray kali balse waxaa uu isku beddelay nin kacaan ah.
Albert einstein waxaa uu noqday aqoon yahan ku takhasusay cilmiga fiisigiska. Sanadkii 1921 waxaa uu ku guulaystay jaaisada loo yaqaan "Nobel". Waxaa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii ugu caansanaa waqtigiisa. Albert waxuu sidoo kale bartay muusikada oo uu aad u jeclaa.
Waxaa uu noqday hal-abuur ay maskaxdiisa kasoo burqadeen xikmado iyo waxyaabo badan oo maanta aduunka aad looga isticmaalo. Telefishannada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii uu ikhtiraacay. Hadaba halkaan hoose ka dheeho qaar mid ah xikmadihi albert Einstein:
1-Bartanka waqtiga adag ayaa fursadaha laga helaa.
2-Noloshu waa sida baaskiil, si aadan u dhicin waa inaadan socodka joojin.
3-Nabada laguma hayn karo xoog, waxa kaliya ee lagu gaari karaa waa isfahan.
4-Intaadan ciyaarta bilaabin, baro xeerarkeeda waxaad noqon doonta kan ugu ciyaarta fiican.
5-U fiiri si qooto dheer dabiiciga kadib waxaad si fiican u fahmi doontaa wax walba.
6-Hadii shayga aad si fudud u sharrixi kari weydo, macnaheedu waa inaadan si fiican u fahamsanayn shaygaasi.
7-Isha keliya ee cilmi laga helaa waxaa khibradda.
8-Ha u jihaadin sidii aad u guulaysan lahayd, laakiin door bid sidii aad qiimo u yeelan lahayd.
9-Tilmaanta saxda ah ee indheergarad ma ahan aqoon balse waa mala'awaal.
10-Qofka aan weligiis khalad samayn, weligiis wax cusub iskuma dayin.
11-Kuma xalin karno dhibaatooyinka adeegsiga isla fikirkii aan ku abuurnay dhibaatada mid la mida.
12-Markaan aqbalno xuduudaheenna baan ka gudubnaa.
13-Wax ka baro shalay, ku noolow maanta berina rajeey waxaa ugu muhiimsan inaadan joojin gelinta.
Comments
Post a Comment