Wuxuu Sabab U Noqday Horumarka Reer Malaysia ( Waa Halyeygii Malaysia )

Ninka sawirkaan ka muuqda waa Mahatir Maxamad. Wuxuu dalka Malaysia ra'iisal-wasaare u ahaa intii u dhaxaysay 1981-2003. Mudadaas gudeheeda wuxuu ka dhigay dalkiisa Malaysia mid ka mid ah dalalka tusaalaha loo soo qaato markii laga hadlayo horumarka iyo dhismaha dalalka. Dalka Malaysia shacabkiisa 52% waxay ku noolaayeen xaalad fakhri ah oo aad u daran, maantana 95% waxay haystaan nolol aad u heer sarraysa. Dadka shaqaysta oo leh dakhli sugan waa 97% oo shaqo la'aan kama jirto, 3% soo harayna waa dad ay dowladooda taakulo la garab taagan tahay ilaa ay shaqo helayaan.
80% baabuurta lagu dhex wato Malaysia waa baabur lagu dhex sameeyay dalkaas gudihiisa. Waana dal ka horumarsan dhanka wax soo saarka sidoo kale 
Wax soo saar (PPP)
2018 qiyaastii -Guud ahaan
$988.99 billion[7] (26th)- Qof qof $30,430[8] (41st)  
Waxaas oo horumar ah waxay gaareen mudadii uu ninkaas gacanta ku hayay maamulka dalkaas.

Ragu marka waa nin dalkiisa sidaas u dhisay oo sumcad iyo qiimo u yeelay, iyo nin kale oo dalkiisa taariikhda iyo khariidadda aduunkaba ka saaray.

Marka aad si qoto dheer u fiiriso musharaxiinta xildoonka ah yaad isleedahay Somalia hor intaa iyo ka balaaran ayuu garsiinkaraa.??

Fikirkaagu waa muhiim

Diplomacy Nuur Inji

Comments