Qiimaha Waqtiga: Waqtiga waaa hantida ugu wanaagsan ee uu qofka bini aadanka ah haysto waana cimriga qofka bini aadanka ah oo sidee ! maxaa iska galay cimriga iyo waqtiga? waqtigu waa waqti cimriguneh waa cimri ! kuwaani waa su,aalo laga yaabo in maskaxdaada soo qabato hadaba aan kaaaga jawaaboo su,aalaha laga yaabo in aad iswaydiiso aana ku siiyo Tusaale wanagsan
sanaduhu waa bilo aruuray bilohu waa isbuucyo aruuray isbuucyadu waa malmo aruuray malmuhuneh waa saacadu aruuray saacaduhuneh waa daqiiqado aruuray qadiiqaduneh waa miriro aruuray malaha tan waad ila garatay wili aan kuu jilciyoo soo qaado calculator (xisaabiye) igala shaqey xisaabtaan si aan u soo saarno inta bilo, malmood, saacadood, daqiiqadood iyo inta mirir ilbiriqsi ee aad jirto adiga malaha hada diyaar ayaa tahay hayeh ila soco waxa aan isticmaali doonnaa calaamada isku dhufashada {×}
qor sanadka aad jirto kidib ku dhufo toban iyo labo (12) waxa aad heshay inta bilood ee aad jirto kusii dhifo sodon (30) hada waxa aad haysataa inta maalmood ee aad jirto markale ku dhufo labaatan IYO afar (24) hada waxa aad haystaa inta saacadood aad jirto ku dhufo lexdan (60) waxa aad haysataa inta mirir (secon)aad jirto
kasoo qaad in aad jirto 20sano ama 30 sano ama xitaa 25sano
25×12×30×24×60=12 960 000
haddii aatahy 25-sano jir waxa aad jirtaa 300 oo bilood 9 000 malmood 216 000 saacadood IYO 12 960 000 oo sikin hada ogow waa sikin waxa aan xisaabineyno malaha sifiicam ma aadan u fahmin aan kuugu celiyoo waa inta sikin, mirir, ilbiriqsi, ee aad jirto adiga
hada sifiican baad iila fahantay waqtigaaga waa cimrigaaga sax hadaba aan iswaydiinoo su,aalahaan.
waqtiga ma is dhaafinaa misa waan ka faa,iidaysanaa.?
sideen baan waqtiga uga faa,iidaysanaa.?
haddiiba daqiiqadii baxdo ay cimriga qayb ka mid ah tahay maxaa diidaayo in waqtiga sida saxda ah aan uga faa,iidaysano.? misa ogtahy aqriste waqtiga aan ku dheelayno in uu yahay cimrigayni oo aan ku dheelayno.?
oraah Somaliyeed ayaa ehayd
Waqti waliba da' la filuu leeyahay!!
Waqti kaa tegay tiigsimaad ma leh!!
Fadlan ha ushalayn waqtigii kaa tegay ee hada ka faa,iideyso waqtigaaga, wili saacadaadi ma go,in oo jaanis kale ayaad haysataa ilaahay hanaga dhigo kuwii waqtigooda ka faa,iideystay 🤲
N.B qormadaan Tan xigta waxa aan uga hadli doonaa qiimaha Internet-ka Dunidaan casriga ah,siyaabaha looga faa,iideysan karo, jaanisyada aano haysano IYO sida aan u dayacnay inaga oo ku dilayno waqtigayna qaaliga ah Isha Allah
Fadlan walal share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqristaan mahadsanid
W/Q Diplomacy Nuur Inji
Comments
Post a Comment