Su'aalo aan jawabo u waayay iyo xafadda dalxiiska loo tago ee Green point magaladda cape Town oo dhawaan aan booqday.-
Su'aalo aan jawabo u waayay iyo xafadda dalxiiska loo tago ee Green point magaladda cape Town oo dhawaan aan booqday.-
Waxa ay ehayd Habeen axad ah isniini soo galeyso saacaduneh ay kaabiga ku hayso (sagaalkii iyo afartan iyo shan daqiiqo) 9:45-ama tobankii habeentimo oo rubi la'a xiliga koofurta afrika waxaa isoo wacay mid kamid ah sxbada garka ii ah ee aano farxad wadaaga nahay Wuxuu iga codsaday in aan beri waqti kuwada qaadano mid kamid ah goobaha dalxiiska loo tago Waxa uu ahaa codsi aan fursad u arkaayay waayo malmahaas fasax ayaan lahaa iimana qorshaysneyn howl sidaa u sii buran oo maalintaas aan qaban lahaa durba anigoon la daahin jawabta ayaan ku iri okay sxb waa inoo berito wan isi soo waceynaa. Dareen farxadeed ayaan dareemayay habeenkaas waayo waa markii iigu horeysay ee aan goob dalxiis caalami ah booqan doono habeenkaa aad ayuu iila dheeraa waqtiga Waxaan hurday habeenkaas hurdo soo kac kac badan lehyn wax yar kidibba saacada ayaan eegaa wili waa saq dhexe markale waan soo tuusay markaan waa xili lagu dhowyahay salaada subax isku diyaarin kidib waxaan soo aaday mowlac yar oo ku dhaxyaal hotelka aan deganahay ee BURAMA oo ku yaal bartama xaafadda somalidu ku badantahay ee Bellville qeybta hoose oo uu mowlaca kuyaal ayaan usoo daadegay si aan waajibka isaga bixiyo. saacadu Waxa ay soo carartayba waxaa lagaaray xiligii aan isku diyaarin lahaa safarka markaan waa 8:00-dii subaxnimo waxaa laygu soo wargeliyay in laysoo mari doono 15-daqiiqo kidib waa ay iiyimaadeen sxbadey iyaga oo sadax ah waxaano galnay wadada. Goobta aan usocono oo dhacda santaraalka magaaladda 23-ilaa 25 km ayay u jirtaa halka aynu ka dhaqaaqnay oo ah xaafadda somalidu ku badantahay ee Bellville durbo 40-daqiiqo kidib waxaa aynu gaarnay goobtii aano usoconay.
Mexaynu ku araknay Green point .?
Maalintaan cad ceedo aadbay u kululeed balse arinka layaabka leh ayaa ehayd in aadan dareemayn kulayka qoraxda marka aan soo galnay taaga kore ee xafadda dalxiiska Green point waayo Jawiga guud ee goobta ayaa lahaa dareen gar ah niicowda qabow' dabeyl yar oo wadato dareemo farxadeed iyo dha dhaqaalka goobta' kala duwnaashaha dadyowga isaga kala yimid dunida dacaladeeda ayaa ku siinaayo dareen kale oo farxadeed aniga iyo sxbadey qofkasto kaligii ayuu dhoola cadeynayaa waayo goobto waa goob farxadeed aniga si gaara waa maalin ii qaasa oo iisii lehayd farxad iigaara waayo waa markii iigu horeysay ee aan soo booqdo halkaan oo kamid ah goobaha dalxiiska ah ee looga yimaado dunida dacaladeeda kuna taal magaladda aan ku noolahay ee cape Town oo hoostakta gobolka western cape fasaxyada shaqadeyda oo aad u yaraa iyo wadanka oo aan ku cusbaa ayaa sababay in aan booqan waayo goobtaan iyo meelaha lamid ah ee dalxiiska loo tago Waxa aynu fariisanay meel yara kabaxsan goobta dadka badani ay buuxaan oo uu yiilay fadhi aad u qurux badan afarteyna sxb sheeko ayaa isogu kayna baxday waxaa dhinecayna kursi yiilay soo fariistay nin dheer xoogleh timo jilcan oo noola muuqday hidni kaligii ayuu ahaa waqtigaa Waxa uu u muuqday qof ka careysan dhawaqa sheekadayna waayo wax yar kidibba wuu nasoo fiirinaayay aniga oo uu xageyga xigay ayaa yara ku fikiray in aan dareenkiisa ilaalino Waxa aan sxbadey ka codsadey in ay gaabiyaan dhawaqa sheekada asageh Waxa aan waydiisanay codsi raali gelin ah wax dhiba miyaa jira naga raali noqo haddii aad nadhibsatay malaha dhawaqa hadalkeyno wuu dheeryahay ayaan ku dhahay. Markaa buu nagu yiri waxaa tihiin dad wanaagsan oo bini aadam nimada wax ka yaqaan ee somali miyaa tihiin.? Qosul aan yara dhaafaysaneyn dhoola cadey iyo isfiifiris ayaanu galnay aniga iyo sxbadey hayeeshaa aniga oo doonaayo in aan ogaado ka hor inta uu san ogaan in aan somali nahay Waxa uu ka aaminsanyahy somalida ayaan yara lasoo booday naga raali noqo inta aan kaaga jawabin su'aashaada waxaad nagu tiri dad wanaagsan ayaa tihiin hadaneh waxaaad noo raacisay somali miyaa tihiin.? Maxaad ku keentay somali miyaa tihiin somali miyaan kuula ekaanay.? maxaasa ka taqaan dadkaas.? asaga oo malehayga dareemay in aan jawab ka ganbad baadigoob ku jiro ahay ayuu iiga sheekeeyay taariikhdiisa iyo Waxa uu ka yaqaan dadka somaliyeed.
Waxaan udhashay asalkeyga hindiya inta badan nolosheyda waxaan ku qaaday safaro afrika aan ku kala bixinaayay waxaan ahay ganacsade horay waxaan u ahaa wariye ka howl geli jiray mid kamid ah idaacaddaha ka shaqeeya gudaha wadankeyga waxaan wadankeyga moogahay mudo fog qiyaas ilaa 25-sano ayaan moogahay inta aanan imaan wadankaan south Africa waxaan ku noolaa wadanka Gana oo aan ganacsato ka ahaa caruuurteydo Waxa ay deganyihiin Gana halkaa waxaan ku bartay dad wanaagsan oo iigu sheegay in ay yihiin somali dhabtii waa dad muqaal ahaan idiin ek Haa waa dad wanaagsan waa dad ilbax ah aadne u yaqaan ganacsiga Waxa ay kuu soo dhaweynayaan sida walal ladhashay oo kale ma dareemaysid cunsinimo inta badan lagala kulmo dadka leh midibka madow wan booqday wadamo badan oo afrika ah meel kasto aan tago waan arkaayay dadkaan leh midabkaan lkn wili mategin somaliya waxaan ku rejo waynahay in aan tago waayo waa iifarxad iyo waayo araknimo in aan lasaaxiibo dadkaas wayo waxaan aaminsanahay in nolosheyda wax badan kusoo kordhinayaan aad baan u jeclahay dadkaas.
Markii uu intaa nooga sheekeeyay anaga oo qiiraysan ayaan salaan u taagnay waxaan ku dhahnay mahadsanid hadaba dadkaas aad nooga sheekeysay ee somalida layiraa ayeynu nahay dhabtii aniga oon qiyaasi karin dareenkiisa sida uu isku bedelay ayuu fadhiga nooga is taagay salaan kalgecel iyo dareen gaara lehayneh uu nasalaamay markaas buu nagu yiri meeqo qoomiyadood ayaa tihiin bal iiga sheekeeya Waxa aynu ku dha'ahnay 1-qoomiyad asagoo aad moodo in ay indhuhu caddaadeen una muuqdo qof yaaban ayuu yiri meeqo diin ayaa looga dhaqmaa wadankiina ama dadku aaminsanyhiin Waxa aynu ku dha'anay 1-Diin waa imisa tirada dadkiina waxa aan ku dhahay haddii aan soo koobo waxa aynu leenahay xeebta xeebaha afrika ugu dheer Dherirkeedo waa : 3,025 km
Bulshada Soomaaliya waa: 9,699,000
Baaxada Soomaaliya: 637,661 km2
Wax yar ayuu aamusnaa asagoo aad noo soo eegaayo una muuqdo qof yaaban markaa buu yiri.
Oo idinkoo ah dad sidaan uwanagsn ahneh hal qoys oo dega geeska bari ee qaarada afrika leh neh hal diin hal dhaqan hal af maxaad isku haysatiin
Oo 30-sano dunida idiinka reebay.?
Dhabtii Dareenkeyn guud ayey bedeshay su'aashaas umana hayno wax jawab ah
Hadaba maxaan isku haysanaa.??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????
Comments
Post a Comment