Odhaahyo ku saabsan Nolosha 👇

1: Aaminaada naftaadu waxa ay kuu horseedaa in aad yeelato kalsooni dhab ah oo aad ku xaqiijiso hadafyadaada nololeed.

2: Noloshu waa mid gaaban oo aan lagu waarayn, balse kuwa ku badhaadhay waa kuwa laasimay xidhiidhka Alle (S.W.T).

3: Sida ugu wanaagsan ee aad kuwa ku quudhsada hoosna kuu dhiga uga guulaysan kartaa, waa in aad joogtayso dedaalka horumarinta naftaada.

4: Haddii aad Kalsoonida waydo waxa aad wayday shaqsiyadaadii,haddii aad shaqsiyadaada waydana waxa aad wayday nolol.

5: Samirku waa shiidaalka rejadda.

6: Murugadu dhib ma xalliso, balse waxa ay sii dumisaa rejada uu qofku nolosha ka leeyahay.

7: Naftaada cidda kaliya ee rabitaanka iyo dedaalka gaadhitaanka hankeeda xaqiijin kartaa waa kartidaada iyo talo saarashada Alle.

8: Aargoosiga ugu wanaagsani waa in aad tusto ciddii ku xumaysay, in aanay ku joojin karin hadalada ay dabadaada ka leeyihiin.

9: Lugooyo ka xun ma jirto, in aad Dhallinyarnimadaada ku ciyaarto oo aanad ku maalgalin wax ku anfaca.

10: Da'du waxa ay jaangoysaa inta aad soo noolayd,Masuuliyadaha aad soo qaaddayna waxa ay jaangooyaan cidda aad ahayd.

Fadlan, Walaal adigoo Mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Xamse Tudhaale

Comments