maqalkaan waxaan qoray 5-septemper 2017
Qalinkii:- Hon-Nuur Muuse Nur Inji
Waa aalad noocee ah Facebook.?
ii igolow in aan wax kaa baro taariikhda aaladaan Facebook ama wiji book aaladaan waxaa la aas aasay 2004-tii inkastoo uu markaa ahaa aalad aan dunida ku baahin arday mareykan ah oo dhiganaayane jamacad kutaal wadankaas oo lagu magacaabo University of Hartford. Ayaa isku howlay soo saarista aaladaan dunida ku baahday ee facebook-ga ninkaan lagu magacaabo mark Zuckerberg ayaa hadda ah milkilaha aaladdaan dunida wada adeegasato ee Facebook-ga waa ruux da'ahaan dhalinyaro ah balse fikirkiiso qarnigaan dunida beday maamulka ahneh milkilaha shirkaddaan Facebook
Mark zuckerberg ayaa khodbad uu ka jeediyay sanad guuraddii 12-naad ee sanadkii tagay waxa uu yiri.
Dad tiradoodu gaarayso 1.3 billion oo ruux oo dunnidaan ku nool ayaa hadda si toos ah u adegsada aaladda Facebook,ga willina dad hor leh ayaa ku biiraya hadda aan idiinla hadlaayo dad ban baa rajadoodu tahy in ay samaystaan kuwa hada ayayba samaysteen tiradii wayba sii dhaafeystaa daqiiqadiiba marka ma'aha wax aan qiyaasikaro 12-sano kidib dhabtii waxaan ogaaday in fikirkeygu dunida si wanagsan ugu baahayg. Hadaba su'aasha iswaydiinta mudan ayaa ah .
Siday bey dunida uga faa'iidaysatay fikirka mark zuckerberg?.
Aniga oo ah qoraaga maqaalkan waxaan aaladan ku tilmaamikaraa goob masrax ah oo aad taagantahy isla markasne aad ka khodbeynayso tirada dadka fadhiyo ayaan kugu tilmaamikaraa hadba intii araktaa postiga aad soo dhigtay sooma ma wangsna in aad masraxa wax wngsn aad kusoo bandhingo' kasoo qaad in lagugu casumay xaflad ay kasoo qeyb galeen dad aan qiyaas lehayn soo fikir iyo korba kuma gelin lehayn waxa aad dadkaas u sheegi lehayd haa waa xaqiiqo war qad dheer baad diyaarsan lehayd adigoo oo aan ku kalsooneyn waxa aad sheegayso ayaad si qalqal leh u hadli lehayd
aan u daadego dunida iyo qaabka looga faa'iistay anigoo dib ugu soo laabandoono somalida iyo sida ay uga faa'iisteen
akhiste waxaan kuu qodobayn doonaa qaabka loo adeegsado dunida hormarmartay iyo wiliba Fahan xumadda ka haysato isticmaalka aaldaan dhalinta wadaagta magaca somali marka aad akhisato go'aanka adiga ayaan ku dayndoonaa
Marka aan eegno dadka kunool dunida ayaa ladhacay fikirkaan wiilka american-ka ah waxa ayna u adeegsadaan in ay kuwada xariiraan isla markaana ay isku dhaafsadaan fikrado ay kala qabaan waxyaabaha dunida loo adeegsado waxaa kamid ah.
1-isku xirka bulshadda isku afka ah kala warqaadashada dadka kala fog sida saxibada eheladda iwlm
2-taageerin iyo garab istaaga u hambaliyaynta xafaladaha' dhalashadda qalinjebinta' aroosyadda iwlm
3-xayaysiinta noocyadeeda kala duwan sida shirkadaha'bankiyada' iwlm.
4-saxaafadda oo adeegsato baahinta warar tafatiran oo xaqiiqadda ku saabsan leh (gacan koowaad gacan labaad)
5-dowladdaha oo u adeegsado ugudbinta dadka hadal in lala wadaagolarabo Mar si loo qiimeeyo dareenkoodda iyo waxa ay arin ka qabaan
6-tv- ahaan in loo adeegsado iyadoo la isticmaalaayo live ama iyadoo lala hadlaayo dadka fariin muhiim ahneh loo gudbinaayo si muuqaal ah.
Arimahaan iyo arimo kale oo muhiim ah ayaa loo adeegsadaa aaldaan facebook-ga xaga wadadama loogu yeero kuwa horu maray.
Somalida iyo qaabka ay uga faa'iidaysteen:
Dhalinta somaliyeed ayaa aad u isticmaalo Facebook-ga waxa ayna isku dhaafsadaan inyar oo kamid ah wax yaabo wangsn halka qeyb dham oo dhalintaas ka mid ahneh ay yihiin kuwa soo bandhigo wax yaabo aan wangsaneyn oo masraxa facebook-ga in lagu soo bandhingo ay ku haponeyn sida' postiyo aan qurxaneyn' sawiro qaawan' comanti af lagaado ah' muqaalo aan indhaha u rooneyn' sharaf dhac qofeed' iyo wax yaabo kale oo aan wangsaneyn hadaba ma'aaminsantahy akhriste qof kasto waxa uu yahy in laga ogaankaro comantiga uu soo bandhingo
Tusaaloyin wangsn aan kusiiyo anigoo adiga ku halqabsanaayo.
haddii aatahy ruux jecel dalkiisa dadkiisa iyo diintiisa waxa aan ka ogaankaraa post-iyada aad soo dhigto oo ubadan waano wacyi gelin iyo baraajujin guud iyo sida aad uga falceliyo marka aad comanti ka dhiibato qof soo dhigay dareen wadaniyadeed posti ah taa cagsigeeda qofka aan ku tilmaamay haddii aadan ehayn waxa aan ogaaday qofka aa tahy waayo waxaad kasoo horjeedaa qofka aan kor ku soo xusay
Haddii aatahy qof wangsn wax yabaha aad soo dhigto ayaa kaa turjumaayo si fudud ayaana lagugu barankaraa.
kasoo soo qaad in aa tahy ruux qabyaaliista ah waxa aan dib u baarayaa postiyadada waxaan arki doonaa ( beesha aan kadhashay ee reer qansax ayaa manta ka guuleysatay dagaal ay kusoo qaadeen beesha liidato reer cadaad waana ka guuleysanay anagoo reer qansax ah sidee reer cadaad oo aan dhulka hortood kasoo baxnay noo dandaansanee fifa beesheyda reer qansax) marka aan arkay waan ku bartay qofka aa tahy. Haddii aa tahy qof dhegta ka maqlo in posti ladhigo saameyntiisa aadan ogeyn iyado waa dhibato horleh
Mid kamid ah sxbada isticmaalo facebook-ga ee aan frs-ka nahy ayaa igu soo tag gareeyay asagoo leh asxbta cawo dhan facebook-ga ayaan ku jiray wax shidan ugama jeedo waan seexday ee bya postiga uu igu soo taggareyy waxaa ka muuqdo sawir isagii oo indhihiiso xiranyihiin malaha sidaa isku soo sawiray markii aan waydiiyay waxa uu igu yiri dadku wax yaabahaas ayayba ka helaan waa sidii uu aaminsanaa anigoo is leh ayaan arkay comntigii oo malaayiin kor u dhaafay tolow ma dad buu wacyigelinaayay mashaa Allah waad shidantahy iyo erayo kale oo lagu dhiiri gelinaayo ayaa ii muuqday kor ayaan uga baxay
Waxaa iga soo hormuuqday muqaal hees ah oo ay qaadeyso gabar pogeeda muuqdo oo aad xupnaha jirkeeda aad tirinkarto postigaas waxaa ku quran malaayiin dawatay malaayiin share gareys halka malaayiin kala ay comantiyo ka bixiyeen anigoo yaaban ayaaan aqriyay qaar kamid ah comantiyadii laga bixiyay waxaan arkay dadleh (masha Allah waa hees cajiib ah wlhi abayo aad baad u cod macdahay Allah ku daysto' qof kale ayaa leh guud hees horay soco waad ka baxsatay' iyo dhiiri gelin kale ) markaas ayaan is iri Allah dadkaagu Fahan xumaa oo kusii fugeyn ogaa fikir qaldan qofkiisa
Markaan arkay xalkaan ayaa waxaa igu soo dhacday in aan maqaalkaan ka qoro.
Fadlan share dheh
F.g xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga fadlan haddii aadan xuseyn ha cope garen
Comments
Post a Comment