Dhibaatada ma Dhaxal Baan u leenahay hadaynu nahay Dhalinta Somaliyed.???_________________________________________

xaq uma lihin in aan shaqo la'aan amni xumo' dhaqaalo xumo' wax barasho la'aan' caafimaad la'aan IYO daryeel xumo joogto ah aan ku jirno, xaq uma lihin in aan ku dhibaatoono dunida oo aan ka naqato tilmaan lagu maadsado, xaq uma lihin in inagoo ah ubixii dalkaan in dunida noo arakto dad damiir ahaan u dhintay isla markaana nooga faa'iidaysato daruufaha nololeed mida dhaqaale IYO tan daryeel xumo ee nahaysato isla markaaneh aan qaxooti ku naqano dalal aan wadaagin diin' dabeecad' dhaqan'iyo dhalasho toona' xaq uma lihin ay siyaasiyiintayno' madaxdayna, halkii ay ka fikiri lahaayeen mustaqbalkayna IYO kan caruurtayna in ay ka ganacsadaan oo ay iibsadaan muqtaqbalkayna isla markaana ay ku bedeshaan wax dheef aad u qiimo jeban iyagoo u adeegsanaayo danohooda gaarka ah, xaq uma lihin in aan ku noolaano kurbo joogto ah oo aan si nabad ah ugu mushaaxi wayno dalkayna, xaq uma lihin in qaarkayn loo adeegsado ku dhibaatayna dalka, dadka IYO magaca diinta, iyadoo dano gar ah laga leeyahay isla markaana lagu marin habaabiyo fikrado qaldan kidibneh laga dhaadhiciyo in ay iyaga is dhibaateeyaan' dadkaneh dhibaan, iyadoo looga faa'iidaysanaayo duruufaha nololeed ee haysto, xaq uma lihin intas oo dhibaataa inagoo dareemayno in aan wayno siyaasi IYO madax si daacad ah noogu adeego oo aan si logooyo ah nooga adeegan..

waxa aan is waydiinaa ilaa gorma Ayaan ku jiri doonaa dhibaatooyinkaan is bahaystay.?

ilaa gorma Ayaan arkaynaa hooyo ilinta ka daadanayso oo ku dul oyneyso Ubax ay in badan dhibaato lasoo martay, ku soo korisay, wax ku soo bartay, oo waqtigii ay ku nasan lehayd maydkiisa qeyba meel kasoo qaadaysa.?
ilaa gorma ayay dhegehayno maqlayaan jugta qarax, IYO rasaas lagu dhibaateeynaayo qeyb naga mid ah Oo aan loo eegin haween, agoon, culumo" aqoon yahan, HOOYO, caruur iyo ciroole toona.?
ilaa gorma Ayaan arkaynaa rag isku soo sharaxay in ay ka shaqaystaan dalkaan oo aan diyaar u ehayn in ay u shaqeeyaan ? 
ilaa gorma Ayaan arkaynaa hooyo Soomaaliyeed oo ilmadeeda qubaneyso.? 
ilaa gorma Ayaan arkaynaa wiil Yar oo qurux badan oo hooyo Soomaaliyeed ku soo kurisay dhibaato badan oo maskaxda laga xaday iyadoo loo adeegsanayo dano gar ah kaas oo loo sheegaayo in xitaa hooyadii soo dilo si uu jano u helo.?
ila gorma Ayaan ku jiraynaa noloshaan adag ee ku Dhisan niyad jabka IYO daryeel xumadda ay dabo socdaan ku daneysiga takri falka ku dhisan?..
ilaa gorma ayuu magefe dhibaataynayaa dhalinyaradda ka cararyay dalkaan dhibaatooyinka isbahaystay deriska la naqday.?
ilaa gorma ayaan ku noolaaneynaa wadan aan wadankayna ehayn inagoo uga maqan dalkayna intaas oon xal loo helin wili.?
Ilaa gorma aan arkaynaa siyaasi dantiis eegte ah oo aan diyaar u ahayn u adeegista dalka, IYO dadka.?
Ilaa gorma ayaan qaxooti ku sii ahaanaynaa dunida dacaladeeda inagoon haysan daryeel rasmi ah maskaxdaynaneh ay ka guuxayso dhibaatada dalkayga ka jirto.?.

Rajada ilaahay lagama quusto balse saan saanta muuqato iyo xildoonayaasha wijiyadoodo aan nago cusbayn ma"aha mid u roon mustaqbalka jiilka hada jiro iyo kan soo sucdaba!
 hadaba si loo helo dhalinyo Leh aqoon waayo aragnimo IYO maskax korsan siyaasi nuucee ah ayay Somalia u baahantahay..??
Jawaabta su'aashaan waxa aan ku falaaqeen dooonaa qormadayda xigta Insha Allah

Fadlan nala wadaag fikirkaaga una sii share garey walaalaha kale si ay u aqriyaan Mahadsanidiin

🖊️ Diplomacy Nuur Xaaji Muuse
E--MAIL--nuuryare902@gmail.com
30/10/2020
Cape town, Western Cape, South Africa,

Comments