Nafsadda Qiimaheedu Wuxuu ka bilaamaa, Abtirsiinyaha.(Identity) Haddii aad aaminsantay, ku Abuuray oo Ruuxda kugu afuuday oo ku karaameeyay, Dhulka oo Dhan uu wakiil kaaga dhigay, ku imtixaanayo, aakhirana ku abaal marinayo, tilmaanta noocaas ah, ee aad naftaada siiso, waa waxa nafsaddada ka dhigaya wax weyn oo qiimo leh, oo xumaanta iyo dulmiga iskala weyn. Haddiise, aad ku abtirsato, sida buugta Iskuulada ku qoran, oo ah in aadanuhu dixiri ka yimid, kadibna, xayawaan noqday, ka dibna daanyeerka u ekaaday, ilaa uu soo gaaray sida uu hadda yahay, haddii aad sidaas ku abtirsato, xayawaanka kale ayaad la mid noqonaysaa. Nafsaddaduna way daciifaysaa. Shahwo iyo inaad wax kasta oo adduunka yaalla, aad adigu cunto ayaa kaa soo haraya. Haddii dhib iyo imtixaan aad la kulantana, waad u nuglaanaysaa oo ma iska- difaaci kartid dhibaatooyinka nolosha. Waxaad gaaraysaa, inaad nafsaddada u dishid dhib yar ama arrin xoogaa sidaad rabtay noqon wayday.
MuhiiM;--Qayta xigto xiiso Gaar ah ayay leedadhay ciwaan-kuna waa Baro Naftaada "وفى أنفسكم أفال تبصرون" War nafsadiina soo uma jeedaan fadlan ku xirnow marwalbo pogaan.
Lasoco qaybta 5-(Shanaad Dhawaan )
F.G Waxa aan Kasoo Xiganay Buugga FAHAMKA NAFTU WAA -FURAHA NOLOSHA EE UU QORAY QORAA Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibril SHIIKHU Waa Aqoon-yahan Diinta Islaamka iyo Cilmu Nafsiga Ku Xeel Dheer Wuxuu Aqoon Dheeraad ah u leeyahay Cilmiga Bulshada iyo Siyaabaha ay Bulshadu isu Baddasho. Kadib Qaran Jabkii.
W/Q: NUUR MACALIN MUUSE NUUR INJI

Comments
Post a Comment