Wax Badan Ka Ogow sida ay u bilowdeen dilalka soomaalida loogu geeysto Deegaanka isku raranka ah ee Khayelitsha ee magalada Cape town.


Wax Badan Ka Ogow sida ay u bilowdeen dilalka soomaalida loogu geeysto Deegaanka isku raranka ah ee Khayelitsha ee magalada Cape town.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee somalia ee uu hogaaminaayay allaha u naxariistee madaxweyneh maxamed siyaad bare waxaa gudaha somalia ka qaxay wax ka badan maalayiin ruux kuwaas oo kula firxaday dunida dacaladeeda dadka qaxay badi waxa ay u qaxeen wadamada reer-galbeedka hayeeshee waxaa jiro in kale oo iyaneh u xaqay qaar kamid ah wadamada afrika.

wadan-kaan koofur afrika oo dhaca geeska koofureed ee qaarada afrika waxa uu ka mid yahay wadamada ugu badan afrika ee ay kusoo qaxeen dadka somaliyeed, 

koonfur afrika ayaa marti-gelisay qaxooti- badan oo dunida dacaleeda ka yimid, wadankaan ayaa had iyo jeer waxaa ka dhaca falal danbeyeedyo soo naq-naqday oo loo gaysto qaxooti-ga ay somalidu qaybta ka tahy marka loo fiiriyo qaxootiga ku nool halkaan somalida waa dadka ugu badan ee ay dhibaatooyinka iskugu jiro dilka,dhaca,boobka, afduubka, iyo jrdil-ka loo gaysto kuwaas ay kala kulmaan dadka madow ee asal ahaan ka soo jeedo wadan-kaan koonfur afrika inkastoo la aaminsanyhay in dhibaatada soo galootiga laftooda ay qayb ka yihiin sidaa oo ay tahy dhibaatada ugu badan waxaa ay soo gaartaa dhalinyarada somaliyeed ee ku nool goobaha Tuulinka isku raranka ah ee ka fog magaalooyin-ka goobahaas oo ah halka ugu badan oo ay ku nool-yihiin dhalinyarada ku nool koonfur afrika.

Deegaan-ka Khayelitsha oo qiyaastii 25 km koofur bari kaga beegaan magalada Cape Town waxa uu kamid yahy deegaanada isku raran-ka ah ee lagu wax yeeleeyay somalidii ugu badan ee gobolka western cape loogu gaystay dhibaatooyin-ka kala duwan waana halka ay kasoo bilowdeen kooxo burcad ah oo kuwaas oo soo galootiga ay somalidu qaybta ka tahy ka qaadato lacago baad- ah kuwaas oo ay kusheegaan in ay kaga ilaalinayaan dhaca, boobka iyo dilka, loo gaysanaayo walow aan waxba kasoo naaso cadaan oo dhibaataddii wili sideedi u socoto oo ay lakulmayaan maalin walbo dhibaatooyinkaas aan kor kusoo xusnay. 

kooxahaan lacaga baada, sida awooda ah uga qaado ganacsiyada ay Leeyihiin qaxootiga ajaanib-ta ah ayaa kusii fidaayo guud ahaan wadan-ka koofur afrika. 

sidoo kale kooxdaan waxaa bar-bar socda how-gal loogu magac daray( Operation Dudula) oo ay hor-boodayaan siyaasiyiin kasoo horjeeda ganacsiyada yar yar ee ay ajaanib-ta ka abuurteen gudaha wadan-kaan koofur afrika waxa ayna siyaasiyiintaan ku doodayaan in xaqii shaqo ee muwaadi-niinta u dhashay koofur afrika ay soo qalootigu meesha ka saareen ayna ugu wacan tahy bay Leeyihiin shaqo la,aanta qayb kamid ah dadka reer koofur afrika kooxdaan wado howlgalka ayaana si gar ah u beegsanaayo ajaanib-ta ay somalidu qaybta ka tahy taas oo ah dhibaato kale oo mudooyinkaan soo korortay kana jirta qaybo kamid ah magaalooyin-ka cape Town Johannesburg iyo Durban oo ah halka ugu badan ee ay ku nool-yihiin somalida ugu badan ee ku nool wadan-kaan.

isku soo wada doobee dadka somaliyeed ee ku nool koonfur afrika oo u badan dhalinyaro murug maal ah ayaa ah kuwo dhibaato joog u ah oo sas ka qabo hbn iyo maalin kooxaha naftooda iyo maalkooda doon-doonaayo mana jirto cid si rasmi ah wax uga qabatay dhibaaatada ay la kulmayaan had iyo jeer waxaa ayna fariin mug iyo miisaan leh u dirayaan dowlada cusub ee uu hogaamiyo madaxweyneh xasan sheikh Mah,uud 

W/Q:--nuur macalin Muuse nuur inji
 
Cape town, south afrika

Comments