Tebintiina xirfad ku dara meel fogneh wax ka arka saxafiyiinta Somalia Gar ahaan kuwa m/Muqdisho joogo
Galabta xili ay ku beegneed casir liiq ayaan mar aniga oo degelkayga Facebook marba dhibac u rogayo ayaan arkay page-jaj kala duwan oo warbaahin IYO shaqsiyaad leeyihiin oo live ah kuwaas oo ku sugan Goobta wax ka dheceen oo ah hotel 🏨 Africa oo ku yaal km4 markii hore aad baan ugu dhego taagay aniga oo qalbiga ka gubanaayo tebinta ay wariyaasho tebinaayeen waxaa ka dhax muuqatay xirfad yari aad muudo in aysan waayo araknimo u lehayn tebinta colaadaha,
Wariyaasho ma, ogyihiin in ay al-shababka xitaa ay dhegaysatayaashooda ka mid yihiin oo ay meesha kaliya ay kala socdaan waxa socda IYO qaabka ay u socdaan ay yihiin iyaga?
Ma, ogyihiin in idaacaddaha al-shabab in aysan meesha joogin oo ay iyaga u yihiin xog-gudbiyaal aan dhinacneh u xaglin.?
Kwrn haddii wariyaasha ay maanta ay tebinaayeen Mas'uuliyiinta Goobta dagaalka ku go,doonsan IYO qolalka ay ku jiraan !!!!
Iyadoo aan ognahay heerka isgaarsiinta casriga maanta iyo sirihii ay fashileen kooxo dowladda ay soo qabatay oo sheegay in ay taleefoonnada aad iskala socdaan si live ah marka ay dhacaan dhacdooyin nuucaan ah !
Kwrn adiga oo wariye ah dadaal dheer bixinaayo si aad u qanciso dhegaystayaasha goob halis ahneh joogo aad qatar ku naqato amaan-ka walaalo gudaha ku go,adoonsan Adiga oo wiliba sheegaayo Goobta ay ku sugan yihiin iyagoo kooxihii ay la jiraan iyagoo adeegsanaayo isgarsiinta casriga ah macqulneh ay tahay xog aad Adiga gudbisay lagu wax yeeleeyo!!!
Tebintiina xirfad ku dara meel fogneh wax ka arka saxafiyiinta Somalia Gar ahaan kuwa m/Muqdisho
Ilaahay ha unaxariisto intii ku dhimatay inta dhaawacaneh allaha caafiyo 🤲
FG Tani waa arkti aan qabo aniga oo eegaayo cilmiga aan soo bartay iyo waayo araknimo aan ka dhax-lay waayo joogaygi aan badnayn ee aan ku dhax jiray saaxada saxaafadda.
Comments
Post a Comment